Daawo:-Sawirada”Guddiga Amniga Doorashooyin-ka Dalka Oo Shir-gaar Ah Wada Yeeshay Madaxweynaha Jubland…

0
762

Guddiga Amniga doorashooyinka Qaran ee Soomaaliya, oo gaaray Magaalada Kismaayo ee caasimada KMG ee Maamulka Jubba-land ayaa la kulmay Madaxweynaha Maamulkaas Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyagoo kala hadlay xaaladaha amni ee goobaha doorashooyinka Magaalada Kismaayo,

waxayna war-bixin ka dhageysteen  xubno ka tirsan Guddiga doorashooyinka heer dowlad gobolleed ee Maamulka Jubbaland iyo Saraakiisha amniga

Guddiga amniga doorashooyinka Qaran waxaa  hoggaaminayey Guddoomiyaha Guddigaasi ahna taliyaha Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, iyo  Taliyaha hey’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Jeneraal Cadullaahi Maxamuud Gaafoow.

Markuu kulanka soo dhamaaday waxaa warbaahinta la hadlay Guddoomiyaha Guddiga amniga doorashooyinka Qaran Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, wuxuu uga mahadceliyey dowlad gobolleedka Jubbaland dedaalka dhanka amniga ee ay sameeyeen, gaar ahaan goobaha doorashooyinka, waxa uu tilmaamay in Guddiga amniga doorashooyin Soomaaliya uu diyaar u yahay wax walba oo lagu taageerayo amniga xilliga doorashooyinka aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddiga amniga doorashooyinka Qaran ee Soomaaliya, uu dhawaan magacaabay madaxweynaha Soomaliya ayaa sidoo kale dhawaan kormeero ku tagay Magaalooyinka ay ka socdaan doorashooyinka aqalka Hoose.

Hoos Ka Daawo Sawirada

v b c gg v