Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa sheegay in magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya uu kula kulmay Madaxweynaha Khaatumo, Cali Khaliif Galaydh. Madaxweyne Siilaanyo wuxuu sidaas ka sheegay mar uu galabta kasoo laabtay safar shaqo uu ku maqnaa dalka Itoobiya oo uu kula kulmay Ra’isal Wasaaraha dalka Itoobiya, kaasoo uu sheegay inay wax badan oo labadda dhinac khusaynaya ka wada hadleen.
Weftiga uu madaxweynuhu hoggaaminaayey waxa jidadka iyo qasriga madaxtooyada ku soo dhaweeyey shacbiga qaybihiisa kala duwan iyo salaadiin, waxaanu madaxweynuhu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka qaranka Somaliland iyo Ciidamada Banboyda oo tumayey muusiga qaranka Somaliland. “Wefti ballaaran oo aan hoggaaminayay waxaan booqasho rasmi ah ku tagnay Caasimadda Ethiopia, Addis Ababa 28/10/2016. Aniga iyo xubnihii wefdigayga, waxaannu la kulannay 29/10/2016,
Raysal Wasaaraha Ethiopia, Mudane, Xaylemaryam Disalim iyo Madax kale oo Kulankan ku wehelisay. Kulankaan Saaxibtinnimo ee uu nagu martiqaaday Ra’iisul wasaaruhu Wasaaruhu, wuxuu ahaa, mid qiimo badan oo si diiran oo qadarin 11/3/2016 Mogadishu Journal » Madaxweyne Siilaanyo oo Addis Ababa kula shiray Cali Khaliif Galeyr http://mogadishujournal.com/?p=40368 2/5 Previous Story Shirka Ganacsiga ee Turkiga iyo wadamada Qaaradda Africa oo ka furmay Istanbul Next Story QM oo sheegtay in tahriibayaal Africaan ah dooni la degtay leh naloogu soo dhaweeyay.
Labadayada dhinac, waxaan isaragaan ku qaadaa dhignay, arrimo badan,” ayuu yiri madaxweynaha oo ka hadlayay Qodobbadii ugu muhiimsanaa kulanka isaga iyo Ra’isal wasaraha Itoobiya. Madaxweynuhu wuxu sheegay inay ka wada hadleen Xoojinta xidhiidhka saaxiibtinimo ee labada dal, Adkaynta iyo kawadashaqaynta nabadgelyada, guud ahaan mandaqadda, gaar ahaan xuduudaha ay wadaagaan labada waddan. Iskaashiga dhaqaalaha, siyaasadda, iyo arrimaha bulshada, Dhiirrigelinta ganacsiga,
maalgashiga, iyo isdhexgalka Shacabka Somaliland iyo Itoobiya, Isticmaalka Dekedda Berbera iyo in ay ka qayb qaadato Dawladda Ethiopia dhismaha Jidka isku xidhka Wajaale iyo Berbera, Iskaashiga fidinta Koronto jaban iyo kordhinta Deeqaha Waxbarashada ee Somaliland, La dagaalanka qaxootiga sharci darada ah iyo argagixisada, Qabyotirka Heshiis lagu maareeynayo ganacsiga iyo badeecadaha iskaga gudbaya labada dal (Trade Agreement),
kaas oo salka ku haya danaha iyo maslaxadda labada, Iskaashiga ka hortagga abaaraha iyo biyoyarida. Ugu dambeyn, Madaxweynuhu wuxuu ka hadlay kulan ay wadayeesheen madaxweynaha khaatumo, waxaanu yidhi “ muddadii aannu ku sugnayn magaalada Addis Ababa, waxaanu la kulannay Madaxda Khaatumo oo uu hoggaaminayey, Dr. Cali Khaliif Galayr.
Waxaanu kulankaa ku heshiinnay in la sii amba qaado wadahadalladii labada dhinac ee hore la isula qaatay. Waxaannu ku heshiinay in 17/11/2016, wadahadalkii ka dhaco Caasimadda dalka Ethiopia. Arrimahaan Faahfaahintooda waxaannu kaga hadli doonna Warsaxafadeed Maalinta Sabtida, 05/11/2016”.”.