XOG CUSUB :- Xasan Shekh Maxamuud Oo Looga Yeeray+Akhriso…

0
595

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in wadahadal khatka Telefoonka ah uu dhexmaray Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud iyo dhigiisa Turkiga Erdogan.

Labada Mas’uul ayaa si qoto dheer uga wadahadlay xaalada Somalia iyo faragalnta Imaaraadka uu ku hayo Siyaasada
Somalia, waxa uuna Xassan dhigiisa Macluumaad ka siiyay halka ay Imaaraadka u wado Siyaasada Somalia iyo
Qodobo dhowr ah uu ka biya diiday inuu saxiixo taa oo lidi ku ah howlaha Turkiga uu ka wado Somalia.

Erdogan ayaa walaac ka muujiyay sida ay Imaaraadka ugu dhiiraneyso faragalinta Somalia iyo burburinta Mashaariicda dalkiisa uu kawado Somalia.

Erdogan waxa uu Madaxweyne Xassan u fidiyay casuumaad si ay uga wadahadlaan xaalada dhabta ah isla markaana looga gaashaanto Siyaasadaha qalafsan ee Imaaraadka.

Erdogan waxa uu Xassan Sheekh u sheegay in Casuumaada ay tahay mid xal loogu raadinaayo Siyaasada cusub ee Somalia, waxaana xusid mudan inuu u ballanqaaday in Turkiga ay soo saari doonto si mar kale uu dalka u Hogaamiyo.

Madaxweyne Xassan ayaa lagu wadaa inuu u kictamo Turkiga si uu xal uga gaaro qaska ay Imaaraadka ku heyso Siyaasadiisa.

Dowlada Turkiga ayaa kamid ah Dowladaha saameynta Siyaasadeed ku dhex leh Somalia, waxa ayna Somalia ka saacidaa Maaliyada, Siyaasad, Ciidamada iyo Dib usoo celinta bilicda.

Si kastaba ha ahaatee, Turkiga waxa uu dhaqaale xoogan ku bixiyaa Xassan Sheekh, waxaana xusid mudan in Turkiga uu dhaqaalaha ugu badan siiyay Xassan