Taliyaha qaybta boliska gobolka Banaadir Col. Bishaar Abshir Geeddi ayaa sheegay in howlgal ay ka wada qeybqaadanayaan qeybaha ciidamada uu ka bilabanayo magaalada Muqdisho kaasoo lagu adkeynayo amaanka guud ee magaalada.
“Ciidamada noocyadooda kala duwan ee ku sugan gobolka Banaadir, waxaan u sheegaynaa in ciidanka laysku dhafay ee howlgallada wada in ay marnaba ogolaan doonin cid kasta oo ciidamada ka tirsan oo shaqo la ogyahay ku socon in magaalada dhex maraan hadii la qabtana sharciga la hor gayn doono” ayuu yiri Col Bishaar.
Taliyaha qaybta boliska gobolka Banaadir Col. Bishaar Abshir Geeddi ayaa sidoo kale u digay ciidamada aan qaybta ka ahayn howlka bilowday inay gudaha magaalada hub iyo darees la maraan wuxuu hadalkiisa sii raaciyay in loo ogol yahay kaliya inay magaalada maraan ciidamo an heyn shaqo lagu ogyahay.
Taliye Geeddi ayaa ugu danbayntii shacabka ku dhaqan gobolka Banaadir ka codsaday inay la shaqeeyaan ciidamada amniga isla markaana ay u soo gudbiyaan dhibaatooyinka ay maleegayaan kooxaha nabad diidka ah ee inta badan waxyeellada u gaysta bulshada Soomaaliyeed.
Shalay ayay ahayd markii ciidamada ammaanka degmada Wadajir ay gacanta ku dhigeen laba nin oo ka tirsan Shabaab iyo hubkoodaba oo degmada wadajir gaar ahaan xaafadda Xaawotaako ku dilay nabadoon lagu magacaabi jiray. Hilowle Xaafow, xilli uu ka soo baxayey masaajid ku yaalla xaafadaasi.