Madaxweyneyaasha Galmudug iyo Puntland oo ku kulmaya Imaaraadka Carabta

0
685

Warar lagu Kalsoonaan karo oo laga helayo Wadanka Iskutaga Imaaraadka Carabta ayyaa sheegaya in Madaxweyneyaasha Maamulada Puntland iyo Galmuudg ee kala ah C/wali Maxamed Cali Gaas iyo C/kariin Xuseen Guuleed ay ku kulmi doonaan Dalka Imaaraadka.

Kulanka Labada Mas’uul ayaa looga hadli doonaa Dagaalka Magaalada Gaalkacyo iyo sidii loo joojin lahaa.

Sidoo kale Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyneyaasha Puntland iyo Galmudug Kulankooda ay Goobjoog ka noqon doonaan Saraakiil ka socota Dowladda Imaaraadka Carabta iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa kale oo Kulanka Goobjoog ka ahaan doona Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo doonaya inuu qeyb ka qaato Dhex dhexaadinta Labada Madaxweyne.

Wadanka iskutaga Imaaraadka Carabta ayaa waxaa ku sugan Madaxweyneyaasha Maamulada Puntland,Galmudug,Koofur Galbeed, Jubbaland Hirshabelle iyo Somaliland,kuwaas oo Casuumaad ka helay Dowladda Imaaraadka Carabta.

Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ka dhacay Dagaal Dhimasho iyo Barakac Sababay,waxaana weli isku hor fadhiya Galbeedka Gaalkacyo Ciidamada Labada Maamul.