AMISOM” waan ka xun nahay in Ciidamada Itoobiya ay baxaan

0
623

Iyadoo Ciidamada Itoobiya ay ka baxeen  Degmooyin iyo Degaano ka tirsan Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa bixitaankooda waxaa ka hadlay Taliska Guud ee Ciidamada AMISOM.

Afhayeenka Ciidamada AMISOM  Jeo Kibet oo la hadlay VOA ayaa sheegay in ay ka Xun yihiin Ciidamada Itoobiya ee ka baxay qeybo ka mid ah Soomaaliya,waxaana uu sheegay in Ciidamada baxay aysan ka mid aheyn Howlgalka AMISOM  oo ay ka madax banaan yihiin,balse ay Soomaaliya ku joogeen Heshiis Labada Dowladood dhex maray.

Jeo Kibet ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiya ay shaqo fiican hayeen islamarkaana ka bixitaankooda Soomaaliya ay dhaawaceyso Dagaalka lagula jiro Xarakada Al-shabaab.

Waxaa uu intaa ku daray in Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ay ku Dadaali doonaan in ay tagaan Goobihii ay Faaru jiyeen Ciidamada Itoobiya.