Dhageyso”Hogaamiyaha Maamulka Hirshabeelle Oo Guddi U`Magacaabay…

0
876

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble oo shir jaraaid goor dhow ku qabtay magaalada Jowhar ayaa xilkii ka qaaday guddoomiyihii gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed, waxana uu u magacaabay  si kumeel gaar ah guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo ah siyaasi aad u taageersan Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo diiday in uu aqoonsado maamulka Hirshabeelle.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Jowhar Madaxweyne Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa waxa uu ku sheegay in maadaama xaalad adag oo dhinaca amniga ah lagu jiro loo baahan yahay in wax laga qabto ammaanka maamul goboleedka Hirshabeelle.

Sidoo kale Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa magacaabay guddi nabadgelyo oo ka shaqeeya arrimaha amaanka gobolka Hiiraan. Guddigan ayaa waxa ay ka kooban yihiin saraakiil ciidamo ah waxayna kala yihiin;-

  • S/guuto Cumar Aadan Dhabad.
  • G/Sare Tawane Axmed Muxumad.
  • G/sare Isaaq Cali Cabdulle.
  • G/sare Isaaq Cismaan Idiris.
  • G/sare Axmed Cabdi Weheliye.
  • G/dhexe Cali Cabdi Mahadalle.
  • Dhamme Xasan Maxamed Ibraahim.

Waxaana Saxaafadda U Aqrinaya Afhayeenka Madaxtooyada Maamulka Hirshabeelle Cabdi shakuur cabdilaahi Axmed oo ay dadku u yaqaanaan *Shaashaa*

Hoos Ka Dhageyso Codka Afhayeenka