Waxaa maanta dagaal xoogan uu ka dhacay gudaha magaalada gaalkacyo dagaal xoogan oo u dhaxeeyay ciidamada maamulada galmudug iyo puntladn.
Dagaal oo aan la xaqiijin ciidanka bilaabatay labada dhinac balse dadka kooban eek u harsan magaalada ayaa mar qurasaakay ka war helay dhawaqa risaas xoogan iyo sidoo kale madaafiic dhinacyada ay isku dhaafsanayeen magaalada.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Cadaalada Maamulka galmudug Maxamuud guure ayaa sheegay in dagaalka ay soo qaadeen ciidanka puntland islamarkaana haatan dagaalka uu istaagay isagoona wasiir ku xigeenka tilmaamay in ay la wareegeen fariisimo ay ciidanka puntland kaga sugnaayeen galbeedka magaalada gaalkacyo.
Lama ogo qasaaraha rasmiga ah ee uu dhaliyaya dagaalka maanta ka dahcay magaalada gaalkacyo ee gobolka mudug.
Dhinaca kale Maamulka puntland ayaa weli ka hadlain dagaalka maanta ka dhacay magaalada gaalkacyo ee gobolka mudug.