Ayaan Daro Lagu Sifeeyay In Lagu Wada Dagaalamo Gaalkacyo…

0
682

Taliyaha Guud ee Ciidanka difaaca Maamulka Puntland Gen. Siciid Maxamed Xirsi (Dheere) ayaa sheegay in Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug dhanka Maamulka Puntland lagu soo qaaday dagaal aan geed loogu soo gambanin islamarkaana ay nasiib daro tahay dagaaladii maalmihii dambe ka dhacayay Magaaladaas.

“Waa nasiib darro dagaalada Magaalada Gaalkacyo ka dhacay, iyada oo muddo sanad ah ka nasatey, dagaalada Galbeedka Gaalkacyo ka dhacay waa gardarro qaawan waxa ka dhacay Magaaladaan, meel laga dhisaayo Maxjar oo labada dhinacba dan ugu jirto in uu heer ciidan isu beddelo ma ahayn mid Gaalkacyo laga filaayey”, ayuu yiri  Taliye Siciid Dheere.

Taliyaha guud ee ciidanka difaaca Puntland Gen. Siciid Maxamed Xirsi (Dheere) ayaa sidoo kale tilmaamay in uu ahaa raggii fuliyey heshiiskii Gaalkacyo dib loogu degey 1993 oo ugu tyegey saddex Higlo jamhaddii SNA, waa la yaqaaney dhulka sida loo kala deganaa loo kala lahaa waa ayaan darro maanta in sidaas wax u dhacaan ayuu yiri Siciid Dheere, waa la ogaa markii heshiiska la galaayey Gaalkacyo gacanta SSDF ayey ku jirtey, walaalahaya oo wax aamni la ayaan u tegney ilaa Magaalada Dhuusamareeb.

Waxaa haatan socda dadaalo nabadeed uu wado raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Cumar C/rashiid Cali Shamarke oo haatan ku sugan Magaalada Gaalkacyo ee Caasimada Maamulka Puntland.