Wararka inaga soo gaaraya magaalada gaalkayco ee gobolka mudug ayaa ku waramaya in saakay magaalada uu ka socdo barakac xoogan oo ay smaeynayaan dadka shacabka ah eek u nool magaalada.
Gadiid ay saaran yihiin dad shacab ah islamarkaana ay ku raran yihiin alaabta guryaha la dhigto ayaa lagu arkayaa wadooyinka magaalada gaalkacyo.
Dadka ayaa ka cararaya madaafiic suura gal ay tahay in markale dhinacyada ku dagaalamay magaalada ay is dhaafsadaan waxana jiray shaley madaafiic ku dhacday xaafadaha waqooyi iyo kuwa koonfureed ee magaalada gaalkacyo.
Ciidamada galmudug iyo kuwa puntladn ayaa weli isku horfadhiya galbeedka magaalada gaalkacyo.
Dadka dhacabka ah ee ka baxaya saakay magaalada ayaa gaaraya tuulooyin hoosyimaada magaalada gaalkacyo iyo sidoo kale degmooyin kale oo ku yaalo gobolka mudug.
Inkasto saakay xaalada ay degen tahay oo aan risaas lamaqleyn waxana jirin waan waan muuqata oo arintaan xal logu gaarayo.