Dhageyso:-Ciidamada Dowladda Dhexdooda Oo Is Rasaaseeyay…

0
945

Suuqa dagmada kaaraan ee Gobolka banaadir waxa uu iska hor imaad khasaaro geysatay uu ku dhaxmaray rag la bisnaa dariiska Ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya kuwaasi oo la tilmaamay inay isku qabteen qaadista lacago Canshuuraad ah oo laga qaado ganacsatada suuqa waxaana la sheegay in mid ka mid ah ragaasi uu caan ka ahaa gudaha suuqa dagmada kaaraan.

Xasan Cabdulle Xasan waa walaalka wiil dhalanyaro ahaa oo ku geeriyooday iska hor imaadka ka dhacay dagmada kaaraan waxa uuna sheegay inay ubaahan yihiin ehelada wiilkaasi in Cadalada la waafajiyo ragaasi gacanta ay ku soo dhigaan ciidamada dowlada iyo Maamulka dagmada kaaraan oo uu falkaasi ka dhacay.

Raga falkaasi geystay ee dariiska Ciidamada la bisnaa mid ka mid ahna la sheegay inuu Caan ka ahaa suuqa ayaa ilaa iyo hada fara lagu heyn maamulka dagamada kaaraan dhankiisa mas uusan faah faahin arintaasi iyo waxa uu kala socod.

Warbixin Ammurtaas ku saabsan Wariye Maxamed Axmed Xasan Yuulka Ayaa Muqdisho Ka Soo Diray