Machadka Daraasaadka Soomaaliyeed (ISOS) oo ka tirsan Jaamacadda Muqdisho ayaa maanta Muqdisho ku soo gaba gabeeyay aqoon is-weydaarsi looga hadlayay Tabhriibka, kaasoo halku dhigiisu ahaa “Tahriibka: Safarka Yididiilada iyo Geerida- falanqeynta sababaha dhibaatooyinka iyo xalka.
Aqoon is-weydaarsigan oo socday muddo labo maalmood ayaa waxaa ka qeyb galay aqoonyahano, waxgarad, haweenka, macalimiin, waxaana lagu soo bandhigay cilmi baarisyo kala duwan oo ka hadlayay dhibaatada Tahriibka, iyadoo uu bar bar socday kulamo iyo doodo lagu falanqeeyay Tahriibka.
Qoraallada iyo doodahaba waxaa lagu falanqaynayay sababaha iyo duruufaha qofka ku kallifa in uu tahriibo, dalkiisii hooyana kahayaamo; iyo sidoo kale dhibaatooyinka kala duwan ee tahriibka kadhalankara. Waxaa la isla gorfeeyay sida wax loo gaqabankaro tahriibka, iyo cidkasta kaalinta kaga aaddan.
Machadku wuxuu ku tala jiraa in qoraalladan iyagoo buug ah uu daabaco.
Aqoon isweydarsiga sannadlaha ah ee cilmibaarista Soomaaliyeed (The Annual Conference on Somali Studies) waa sannadle uu qabanqaabiyo Machadka Daraasaadka Soomaalida (Institute for Somali Studies – ISOS) si loo xoojiyo cilmibaarista Soomaaliyeed.
Agaasimaha machadka Ustaad Mustafa Cabdullaahi Feyrus ayaa kula dardarmay aqoonyahanka iyo wax garadkii ka soo qeyb galay aqoon isweydaarsigaan socday 2-da cisho in ay sii xoojiyaan cilmibaarista si loo helo xalwaara.
Ugu dambeyn waxaa soo xiray aqoon isweydaarsigaan gudoomiyaha jaamacadda muqdisho Dr.Ibrahim Maxamed Mursal Cali isagoo ku tilmaamay tahriibka masiibo qaran waxa uu aqoonyahankii ka qeyb galay iyo wax garadkiiba ku booriyey in uu qof walba xil gooni ah iska saaro, qofkasta oo inaga mid ah waa in uu baraha bulshada u isticmaalaa wacyi galin guud isaga oo dadka uga digaayo dhibaatada tahriibka.