Maamulka Galmudug ayaa beeniyay in Ciidamo ka Tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaliya ay ka qeyb qaateen dagaalada maalmihii dambe ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.
Gudoomiye Ku-xigeenka Magaalada Gaalkacyo ee Maamulka Galmudug Mudane Cabdi Xuseen Maxamed ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warka kasoo baxay Maamulka Puntland ee ku aadan In Ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka Soomaliya ay ka qeyb qaateen dagaaladii maalmihii la sooo dhaafay ka dhacayay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.
Cabdi Xuseen Maxamed ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed ay ku sugan yihiin saldhigyo ay ka joogaan Galmudug islamarkaana wararka sheegaya in ay ka qeyb qaateen dagaalka ay yihiin waxba kama jiraan.
War kasoo baxay shalay maamulka puntland ayaa lagu sheegay in Galmudug iyo dawladda Federaalka Soomaaliya oo is kaashanaya ay weerar ku qaadeen magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.