Dhageyso:-Dowladda Oo Amartay In Ciidamo Malatari Ah La Geeyo Magaalada Gaalkacyo…

0
662

Dowladda Soomaaliya ayaa soo jeedisay in ciidamo ka socdo dowlada dhexe la geeyo magaalada Gaalkacyo si looga hortago xiisadaha iyo dagaalada ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Wasiirka warfaafinta xukuumada Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in taliyaasha ciidamada qalabka sida la farayo iney ciidamo ka tirsan xooga dalka la geeyo magaalada Gaalkacyo.

Wasiir Maareeye oo ku hadlay afka xukuumada Soomaaliya ayaa wuxuu tilmaamay in dowlada Soomaaliya ay ugu baaqeyso waxgaradka Soomaaliyeed iney ka qeyb qaataan sidii loo joojin lahaa daadinta dhiiga ummada Soomaaliyeed.

 Maareeye, ayaa sidoo kale sheegay in lala xisaabtamayo dadkii ka dambeeyay bilowga dagaalada ka dhacay magaalada Gaalkacyo, waxaana uu si cad u sheegay in masuuliyada koowaad ay qaadayaan madaxweynayaasha maamulada Galmudug iyo Puntland.

Dagaalada magaalada Gaalkacyo ayaa sababay in dad badan ay isaga barakacaan magaalada, waxaana dagaalkii dhacay Jimcihii lasoo dhaafay uu geystay dhimasho iyo dhaawac.

Warbixin Amuurtaasi Ku aadan Wariye Maxamed Axmed (Yuulka) Ayaa Muqdisho Nooga Soo Diray