Dowladda Mareykanka Oo War Ka Soo Saaratay Dagaalada Gaalkacyo…

0
776

War saxaafadeed ka soo baxay safaaradda dawlada  Mareykanka ay ku leedahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda Mareykanku ay si dhow ula shaqeyneyso dowladda federalka ee Soomaaliya, Maamulada Galmudug iyo Puntland si ay uga wada hadlaan arrinta la xiriirta dhacdadii 28 September  ciidamada ee Mareykanku ka geysteen  Magaalada Galkacyo”.

 Warkaan ayaa sidoo kale lagu sheegay  in  dawlada Mareykanku ay ka war hayaan weerarka dhimashada iyo dhaawaca Galkacyo iyagoo eedeymahaasi si dhab ah ay u qaadanayso.

Safiirka Mareykanka ee Somaliya ayaa  kulamo kula yeeshay bishaan October 6,7, iyo 8-deeda Magaalada  Muqdisho, odoyaasha, qabiilka, hoggaanka sare ee bulshada iyo siyaasiyiinta  Koonfurta Galkacyo, iyo madaxweynayasha Galmudug  iyo puntland  iyo sidoo kale Saraakiisha Ciidanka Qaranka Somalia.

Danjiraha Mareykanka ayaa xusay in Mareykanku  uu doonayo inuu horumariyo xiriirka iyo wada shaqeynta ay la leeyihiin ciidanka ammaanka Galmudug iyo kuwa qaranka Soomaaliya si loola dagaallamo Al-Shabaab”.

Dowladda MareykankA ayaa dhanka kale ku boorisay maamulada Galmudug iyo Puntland “inay wada hadal dhab ah galaan si loo xaliyo khilaafka ka dhex jira Labada Maamul.

Ugu dambayntii Mareykanka ayaa sheegay in ay ka  go’antahay inay la shaqeeyaan dhammaan Soomaalida si Soomaaliya ay u gaarto nabad, barwaaqo iyo ammaan.