Maxkamad ku taala magaalada Gothenburg dalka Sweden ayaa xukuno kala duwan ku riday Burcad dhalinyaro Soomaali iyo Swedish isugu jira kuwaasi oo lagu eedeeyay inay si arxan daro ah ay weerar ugu qaadeen Maqaaxi lagu caweynaayey islamarkaasna ay halkaas ku dileen 2 qofood kuna dhaawaceen ilaa 8 qofood.
Maxkamad ku taala magaalada Gothenburg ee dalka Sweden ayaa xukun ku riday Gaangis Soomaali iyo Swedish ah oo weerar ku qaaday Maqaaxi lagu magacaabo Vår Krog Och Bar oo ku taala magaalada Gothenburg ee dalka Sweden xilli ay maqaayadaas ku sugnaayeen dad aad iyo aad u fara badan oo halkaas ku daawanaayey ciyaar ka tirsaneyd ciyaaraha Champions League oo u dhaxaysay kooxaha Barcelona iyo Manchester city, ragaan oo ku hubeysnaa qoryaha AK-47 ayaa maqaayada xoog ku soo galay ka dibna rasaas ooda uga qaaday dadkii ku sugnaa goobtaas ayagoona halkaas ku dilay 2 qofood 8 kalena ku dhaawacay, ragaan ay maxkamadu ay xukuntay oo kala ahaa Yoonis Aadan, Aadan Cabdulahi, Axmed Warsame, Onur Corap iyo Josef Hällgren ayaa waxay maxkamadu ay ku xukuntay labad ugu da’ada weyneyd oo kala ahaa Aadan Cabdulahi oo 28 sano jir ah iyo Axmed Warsame oo asagana 25 sano jir ah xabsi daa’in halka inta soo hartey oo la sheegay inay da’adoodu ay yar tahay lagu xukumay 14 sanadood.
Qaar kamid ah garyaqaanada u doodaayey dhalinyaradaan Soomaalida waxay sheegeen inaysan jirin cadeyn ku filan oo lagu xukumi karo ragaas ayagoona intaas raaciyey inay racfaan ka qaadan doonaan xukunkaas.