Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose haddana KMG u ah Maamulka Jubbaland ayaa sheegaya inuu Xalay ka dhacay Dagaal u dhexeeya Ciidamada Booliska iyo Nabad Sugidda Maamulka Jubbaland.
Dagalka ayaa Salka ku haya Sargaal ka tirsan Ciidamada Booliska oo ay Xireen kuwa Nabad Sugidda kaas oo lagu soo qabtay Howlgal ay Ciidamada Jubbaland ka fuliyeen Magaalada Kismaayo.
Booliska Jubbaland ayaa dalbaday in la siidaayo Askariga ay Xireen Ciidamada Nabad Sugidda,balse Nabad Sugiddu waxa ay sheegeen in ay Baarayaan,oo haddii uusan dambi galin la sii deyn doono,taas oo Sababtay inuu Dagaal dhexmaro.
Weli waxaa laga dareemayaa Magaalada Kismaayo gaar ahaan Xaafadda Israac Xiisadda Ciidamada dagalamay,waxaana socota Waan waan lagu Xalinayo Dirirta.