Puntland oo Qaramada Midoobay ku wareejisay maxaabiis al-Shabaab ah

0
650

Qaramada Midoobay ayaa la wareegtay kooxdii ugu horreysay oo al-Shabaab ah,kuwaaso ku xirnaa xabsiyada Puntland,sida lugu baahiyay warbaahinta gudaha.

Dagaallameyaasha diyaarada Qaramada Midoobay ay leedahay looga qaaday Garoowe ayaa tiro ahaan lagu sheegay 26 qof waxeyna kamid ahaayeen maxaabiis lagusoo qabtay dagaalladii horraantii sanadkan ay ku soo qaaden Puntland boqollaal dagaal-yahan oo al-Shabaab ah.

Maxaabista la dhoofiyay,waxaa la sheegay dhammantod inay ahaayeen dhallinyaro aan gaarin waqtiga qaan-gaarka,Waxaana xukun ka soo baxay maxkamadda lugu sheegay in xeero gooni ah loo eego -si loo dhaqan-caliyo.

Wararka ayaa intaa ku daraya in maxaabiistaan loo wareejiyay xero ku taalla magaalada Muqdisho sid dhaqan celin loogu sameeyo.

Saraakiil sare oo Qaramada Midoobay ka tirsan ayaa dhowr mar u yimid Garoowe,sidii madaxda Puntland ay ugu qancin lahaayeen maxaabista da’dooda ay ka hooseyso 15 sanno inay la wareegan oo dhaqan-celin loo sameeyo.

Dowladda wali war faah faahsan kama soo saarin maxaabista la sheegay inay ku wareejisay Qaramada Midoobay -si dhaqan celin loogu sameeyo.

Waxaa ay ka dhigan-tahay maxaabistii ugu horreysay oo Qaramada Midoobay la wareegayso,kuwaaso lugu soo qabtay weerar ay soo qaaden kooxda al-Shabaab oo loo arko khatarta koobaad ee nabadda Soomaaliya.