Maamulka Degmada Buula burde ee Gobolka Hiiraan ayaa nasiib daro ku tilmaamay in ay dhaqan gali weyso degreetadii dhawaan kasoo baxday Xafiiska madaxweynaha Soomaliya Xasan Shiikh Maxamuud ee ku aadaneed in degmada Buula burde ay noqonayso Caasimada Maamulka Hir Shabeelle oo dhismihiisa uu ka socda Magaalada Jowhar.
Cali Cumar Rooble oo ah duqa degmada Buula burde ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in Magaalada Jowhar ay noqoto Caasimada Maamulka cusub ee Hir Shabeelle islamarkaana ay meesha ka saarayso tani degreetadii dhawaan kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaliya Mudne Xasan Shiikh Maxamuud oo ku Magacaabay Caasimada Maamulka.
Dhanka kale duqa degmada Buula burde ee Gobolka Hiiraan Cali Cumar Rooble ayaa sheegay in Mas’uuliyiin ay mid ayaaheen wasiirka amniga, kan arrimaha gudaha ay dhagax dhigeen xarunta Caasimada Maamulka Hir Shabeelle ee Degmada Buula burde ayna maalmihii dambe ay ku mashquusanaayeen dhismaha Xarunta.
C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa Wasiirka arrimaha Gudaha Xukuumada Federaalka Soomaliya ayaa 13-April ee sanadkaan 2016-ka sheegay in Caasimada Maamulka hiiraan iyo shabeelaha dhaxe ay tahay magaalada Buullo burte isla markaana aysan jirin wararka sheegaya in maamulka cusub ee la dhisaayo uusan ku shaqeyn Karin.