Ciidamada Booliska Dowlad Gobaleedka Jubba-landa ayaa gacanta ku Soo Dhigay Dad Faro Badan oo lagu Tuhunsan yahay inay ku lugleeyihiin Weeraro Xalay lagu qaaday Xarunta Degmada Kismaayo iyo Saldhig Ciidan oo ku yaalay Xaafada Calanley ee Magaaladaasi.
Ciimada Booliska iyo Nabad Sugida Maamul Gobaleedka Jubaland ayaa Howlgal Saacado badan qaatay oo ay ka Sameeyeen Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobalka Jubbada Hoose waxa ay ku qab-qabteen Dhalinyaro Faro Badan oo lala Xiriiriyey Qaraxyo lagu Weeraray Xarunta Degmada iyo Saldhig Ciidan oo ku yaala Xaafada Calanley Magaalada Kismaayo kuwaasi oo loo Taxaabay Xabsiga.
Taliye Ku-Xigeenka Booliska Gobalka Jubba Hoose Kornel Xasan Kheyre Axmed ayaa Sheegay Ciidamada ay Gacanta ku soo Dhigeen Tiro Dad ah oo qaarkood lagu Tuhunsan yahay inay ka danbeeyeey labo Weerar oo loo Adeegsaday bomb-booyin lagu qaaday Xarunta Maamulka Degmada iyo Xero Ciidan waxa una Xusay inaysan jir Wax Qasaaro ah oo ka dhashay Weerardaasi.