Dagaalyahano ka Tirsan Xarakada Al-shabaab ayaa habeenkii xalay ahaa Tiro Madaafiic ah ku tuuray Saldhig ay Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah Howlgalka Midowga Afrika Amisom ay ku leeyihiin Xaafada Holwadaag ee Magaaladaas.
Madaafiicda ayaa inta badan si weyn loogu maqlay dhamaan xaafadaha ay ka kooban tahay Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan waxaana jiray madaafiic ay ku jawaabeen Ciidamada Jabuuti oo ilaa haatan aan la ogeyn qasaaraha ay geysteen.
Wariyaal ku sugan Baladweyn ayaa kusoo waramaya in Madaafiicda xalay si weyn loogu maqlay Magaalada Beledweyne islamarkaana saakay la ogaanayo qasaaraha ay geysteen ee dhanka shacabka soo gaaray.
Dhowr jeer oo hore Ciidamada Xarakada Al-shabaab ayaa Madaafiic ku garaacay Saldhigyo ay ku sugnaayeen Ciidamada qeybta ka ah Amisom oo ku yaala Magaalooyinka, Baydhabo,kismaayo, Beledweyne iyo Muqdisho.