Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa Maanta gaaray Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Baay.waxaana Madaxweynaha Soomaaliya Garoonka Baydhabo ku soo dhaweeyay Madax ka tirsan Maamulka Koofur Galbeed.
Madaxweynaha ayaa loo galbiyay xarunta Madaxtooyada Maamulka Koofur Galbeed,iyadoo ay hadda Kulamo uga socdaan baydhabo Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweynaha Maamulka Koofur galbeed
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa in sidoo kale uu Kulamo la qaato Qeybaha kala duwan ee Bulshada ku Nool Magaalada Baydhabo.