DHAGEYSO;-Wasiir Odawaa”Dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Sh/dhexe si Habsami leh ayuu u socdaa

0
710

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukumadda Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo Saxafadda kula hadlay Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG u ah Maamulka Galmudug ayaa ka sheegay  in Dhismaha Maamulka loo sameynayo Labada Gobol ee Hiiraan iyo Shabellaha Dhexee u socdo si Hamsami leh islamarkaana ay Wasaaraddu ku rajo weyn tahay in Maamul ay ku mideysan yihiin Bulshada Labada Gobol uu ka soo baxo halkaas.

Wasiirka ayaa Tilmaamay in Dadka qaba Tabashada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka go’an tahay in ay Geed hoostiis la fariisato si loo Xaliyo waxa ay Tabanayaan.

Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe oo dhismihiisu uu ka socdo Magaalada Jowhar ayaa waxaa jira in ay diidan yihiin Duubabka dhaqanka ee uu Hogaamiyo Ugaas Khaliif Ugaas Xasan,kuwaas oo sheegay in ay sameynayaan Maamul u Gooni ah Gobolka Hiiraan.