Gen. Maxamed Cali Samatar oo Aas Qaran loogu sameeyay Muqdisho iyo Madaxda Sare ee Dowladda oo ka qeyb galay

0
919

Allaha u naxariistee waxaa Goor dhaw Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya Aas Qaran loogu sameeyay Marxuun Sareeye Guud Gen. Maxamed Cali Samatar oo Maanta Meydkiisa la keenay Magaalada Muqdisho.

Aaska Qaran ee loo sameeyay Gen. Maxamed Cali Samatar ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya,Guddoomiyaha Baarlamaanka,Ra’iisul Wasaaraha, Xubno ka tirsan Labada Gole ee Dowladda,qaar kamid ah Madaxda Maamul Goboledyada iyo Saraakiil Ciidan.

Dhamaan Madaxdii Aaska ka hadlay ayaa sheegay in Gen. Maxamed Cali Samatar uu Adduunka gaar ahaan Soomaaliya kaga tagay Taariikh weyn oo Qof weliba Xasuusan doono,iyadoo Madaxda hadlay ay sheegeen in Cali Samatar uu ahaa Geesi Dalkiisa wax badan u soo qabtay qeybna ka qaatay Dhisita Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Madaxda Aaska ka hadlay ayaa Ummadda Soomaaliyeed ka Codsaday in ay u duceeyaan in Alle uu Janadiisa Geeyo Marxuun Gen Maxamed Cali Samatar oo Maanta Aas Qaran loogu sameeyay Magaalada Muqdisho.

14141699_655810454583482_8688752934719882553_n14100512_655809914583536_5246154162079438217_n14100434_655810387916822_5464500207863851626_n14067627_655810531250141_4386278487359429066_n14034874_655810191250175_8778231058721206181_n