Taliye ku xigeenka labaad ciidanka booliiska soomaaliyeed jenaraal bashiir cabdi maxamed oo shalay socdaal dhulka ah kusoo gaaray magaalada galkacyo kadib howlo shaqo oo uu maalmihii udanbeeyay ku joogay qaar ka mida deegaanada dowlad gobaledka soomaaliyeed ee Piuntland ayaa maanta kormeer ku aadan uu kuurgalida xaalada ciidanka boliiska fadaraalka soomaaliyeed ee Galmudug ku tagay qaar ka mida xarumaha ciidanka booliiska ee magaalada galkacyo
Taliye ku xigeenka labaad ciidanka boliiska fadaraalka soomaaliyeed jenaraal bashiir cabdi maxamed ayaa intii uu kuda jiray kormeerkiisa waxa uu warbixino ku aadan xaalada ay ku shaqeeyaan ciidanka booliiska Galmudug ka dhageeystay saraakiisha ciidanka boliiska galmudug kuwaasi oo faah faahin guud ka siiyay baahiyada ay ku shaqeeyaaan ciidanka boolisku iyo doorka ay ka qaataan sugida iyo adkeynta amaanka magaalada galkacyo iyo guud ahaan deegaanada Galmudug waxaana ay sheegeen in ay jirto dhibaatooyin la xariira baahiyada agabyada ay u baahan yihiin in ay ku shaqeeyaan ciidanka booliiska Galmudug ayna ubaahan yihiin in laga gacan siiyo waxyaabaha xiligaani lama huraanka u ah gudashada waajibaadkooda shaqo sidaas waxaa sheegay taliye ku xigeenka ciidamada booliiska fadaraalka soomaaliyeed ee Galmudug korneyl Cabdi Jaamac Cabdule
Taliyaha qeybta Booliiska Gobalka Mudug G/sare Maxamed Nuur Cali Gadaar ayaa isna u sheegay jenaraal Bashiir in ay jiraan ciidamo qaba dhaawacyo kusoo gaaray howlo shaqo isla markaana wax looga qaban waayay dalka gudihiisa kuwaasoo u baahan in ay helaan daweeyn caafimaad oo dalka dibadiisaa waxaana uu ka codsaday taliska sare ee ciidanka booliiska fadaraalka soomaaliyeed in ay ka caawiyaan sidii loogu qaadi lahaa dalka dibadiisa askarta kuwa dhawacyadoodu daran yihiin ee dalka wax looga qaban waayay
Warbixintaasi kadib ayaa waxaa janaraal bashiir cabdi maxamed uu sheegay in ujeedka socdaalkoodu uu yahay mid la xariira uu kuurgalida xaalada ciidanka boliiska fadaraalka soomaaliyeed iyo sidii loo sii kordhin lahaa isku xirka iyo wadashaqeeynta ciidanka booliiska fadaraalka soomaaliyeed ayna ku dadaali doonaan sidii wax looga qaban lahaa baahiyada ay soo gudbiyeen saraakiisha ciidanku iyagana looga baahan yahay in ay noqdaan kuwa shacabkooda ugu shaqeeyay si hufan
waa mid dhamaan na heysata wal walka daryeelka ciidanka boliiska soomaaliyeed meel kasta ha joogeene mushaar la aantiinaan la xanuun saneeynaa oo anaguba idinla mid baan nahay inaad guryo iyo degaan heshaanbaa na laga raabaa in saldhigyo la dhisaa nalaga rabaa in ciidankaan meeshuu joogo uu ka dhaqaaqo ayaa nalaga rabaa oo gaaro meel ka fiican intaas waan ku wal walnaa waan ku seexanaa waana kusoo toosnaa ciidanka boliiska soomaaliyeedna waxaa laga rabaa in ay mideeyaan awoodooda in formeshinka inaan qeybsano booliiskana aan gaarsiino ineey noqdaan ciidan loo soo cararo shacabkana u adeega ayuu yiri taliye ku xigeenka labaad ee ciidanka booliiska fadaraalka soomaaliyeed jenaraal Bashiir Cabdi Maxamed