Kulan lagu taageerayay Musharax C/naasir Cabdulle oo Muqdisho ka dhacay (Sawirro)

0
932

Kulan lagu taageerayo Musharaxa xilka Madaxweynaha Soomaaliya C/naasir Cabdulle Maxamed ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo kulanka ay ka qeyb galeen Siyaasiyiin, aqoonyahano, odayaal, waxgarad, Culumaa’udiin, Haween iyo Dhalinyaro.

Musharax Dr. C/naasir Cabdulle Maxamed aragtiyo kala duwan ka dhageystay xubnihii ka soo qeyb galay kulanka, isagoo la wadaagay fikirkiisa ku aadan hoggaaminta dalka Soomaaliya.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma Dheere) oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan Musharaxa, isla markaana ay ku taageerayaan, isagoo tilmaamay in loo baahan yahay in dalka is bedel uu galo, si wax looga bedelo hanaanka siyaasadeed ee hada ka jira dalka.

Sidoo kale waxaa kulanka ka hadlay Ugaas Cabdi Daahir oo xusay in musharaxa ay ku taageerayaan barnaamijka uu wato, si dalka iyo dadka Soomaaliyeed ugu hor-seedo horumar iyo nabadgalyo.

Musharaxa xilka Madaxweynaha Dr. C/naasir Cabdulle Maxamed oo ugu dambeyn ka hadlay kulanka ayaa ka sheekeeyay waxyaabihii soo kiciyay ee ku kalifay inuu isku soo taago xilka Madaxweynaha iyo qorshayaasha horumarineed ee aayaha Soomaaliya.

Dr. C/naasir ayaa sheegay in hadii uu ku guuleysto xilka uu dhiso doono dowlad la dagaalanka musuq maasuqa oo uu xusay inuu qeyb ka yahay amni darada dalka ka jira.

“Amni darada waxaa hooyo iyo aabe u ah musuq maasuqa, Soomaaliyana aad ayay ugu baahday, meel walbana waa laga sheegay, hadana waxaa Nambarka koowaad ka galnay musuq maasuqa adduunka, waxaan sameyn doonaa sharci looga hortagayo”ayuu yiri Musharax C/naasir Cabdulle Maxamed.

Musharax Dr. C/naasir Cabdulle Maxamed Jaamac oo dhowaan dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ayaa kulamo kala duwan la lahaa qeybaha bulshada, isagoo kala hadlayay in wax laga bedelo sida loo wado hanaanka doorashada, isagoo ugu baaqay bulshada inay ka faa’ideystaan doorashada dalka ka dhaceysa.

kulan-mukulan-mu3kulan-mu4kulan-mu6kulan-mu7kulan-mu8