Allaha u naxariistee waxaa galabta lagu aasay magaalada Muqdisho Axmed Muude Xuseen oo soo noqday Duqii Magaalada Muqdisho sanadihii 1958-1963.
Aaska Marxuum Axmed Muude Xuseen ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiru dowlaha Cadaaladda Xasan Maxamed Xuseen Muungaab oo horay u soo noqday Duqa magaalada, Duqa Magaalada Muqdisho ee xilligan Yuusuf Xuseen Jimcaale, Duqii hore ee Maxamed Cismaan Dhagaxtuur, Xuseen Cali Axmed, Xildhibaano, siyaasiyiin, Ugaas Maxamuud Cali Ugaas iyo dadweyne kale.
Marxuum Axmed Muude Xuseen ayaa u dhintay Xanuun mudo yar hayay sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah Ehelkiisa.
Qaar ka mid ah Mas’uuliyiintii ka hadashay aaska ayaa tacsi u diray qoyskii, eheladii iyo dhamaan umadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuumka, waxaana ay eebbe uga baryeen inuu janadii Fardowso ka waraabiyo.
Marxuum Axmed Muude Xuseen ayaa dhashay sanadkii 1928, waxaana da’diisa aheyd 88 sano, waxaa uu xubin Baarlamaan ka soo noqday dowladdii rayidka ahaa ee Madaxweyne C/rashiid Cali Sharma’arke.