Kooxo Hubeysan ayaa xalay Suuqa Bakaaraha ku dilay Nabadoon Saciid Sheekh Aadan oo ka mid ahaa nabadoonada laga yaqaano magaalada Muqdisho.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in Nabadoonka la dilay, xilli uu ku wajahnaa hoygiisa xalay abaarihii 11-da habeenimo.
Kooxaha dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, mana suura gelin in la soo qabto, waxaana la ogeyn ujeedada ka dambeysa dilkan.
Mid ka mid ah dadka yaqaana Nabadoonka la dilay ayaa sheegay in horay u ahaa askari, balse uu ruqseystay xilligii dowladdii Siyaad Barre.
Ma ahan markii u horeysay ee dilal ceykan oo kale ah ay ka dhacaan magaalada Muqdisho