Shirweynaha Golaha Ganacsiga iyo Maalgashiga Soomaaliyeed oo ka furmay Jabuuti (Sawirro)

0
926

Waxaa maanta ka furmay Hotelka Kempinski ee magaalada Jabuuti shirweynaha 5aad ee Golaha Ganacsiga iyo Maalgashiga Soomaaliyeed, kaasoo socon doona muddo labo maalmood, waxaana ka soo qeyb galay Ganacstada waa weyn ee Soomaaliya.

Ganacsatada ka qeyb gashay Shirweynaha Golaha Ganacsiga iyo Maalgashiga Soomaaliyeed ayaa waxay ka kala yimaadeen Dalka isu taga Imaaraadka Carabta, Soomaaliya, Kenya, Koofurta Sudan iyo meelo kale.

Shirweynaha ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed Maxamuud C/llaahi Gabeyre iyo kuxigeenkiisa C/rashiid Cali Caynaansh oo dhowaan ka soo laabtay safar shaqo ay ku tageen dalka Mareykanka.

Ugu weyn waxaa shirka furay Sheekh Axmed Nuur Cali Jimcaale oo ah Guddoomiyaha Golaha Ganacsiga iyo Maalgashiga Soomaaliyeed, isagoo u mahad celiyay dowladda Jabuuti sida ay hiil iyo garab istaag ugu muujisay mudadii uu ku jiray liiska Argagixisada.

“Markii Xafiiska la sameynayay 2007 oo la ii doortay inaan Guddoomiye noqdo waxaa ku jiray Liiska Argagixisada oo macheedu yahay inaan la iila tacaamuli karin, inaan safri karin, Madax inaa noqdo iskaba daaye, waxaa u mahad celinayay dowladda Jabuuti iyo Madaxweynahooda sida ay hiil iyo garab istaag iigu muujiyeen, aad ayay u mahadsan yihiin”ayuu yiri Sheekh Axmed Nuur Cali Jimcaale.

Sheekh Axmed Nuur Jimcaale ayaa sidoo kale ka jeediyay shirweynaha warbixin ku saabsan waxqabadka Golaha shanti sano ee u dambeysay, waxaana uu xusay in horumar badan uu sameeyay Golaha tan iyo markii la aas aasay.

Xoghayaha Guud ee Golaha Ganacsiga iyo Maalgashiga Soomaaliyeed C/llaahi Nuur Cusmaan ayaa ka warbixiyay ahmiyada uu shirka leeyahay, isagoo xusay in shirka inta uu socdo looga hadli dooni sidii loo hormarin lahaa Ganacsiga Soomaaliyeed.

“Golaha Ganacsiga iyo iskaashiga Soomaaliyeed waxaa xaruntiisa tahay Jabuuti, waxaa xubno ka ah in ka badan 200 oo isugu jira Shirkado Ganacsi iyo shaqsiyaad, waxaa ka mid ah dhamaan shirkadaha ugu waa weyn ee Soomaaliya, ujeedooyinka loo aas aasay howlaha ganacsiga iyo maalgaashiga inuu isku xiro Soomaaliya iyo Jabuuti iyo dhamaan Ganacsiga Soomaaliyeed”ayuu yiri Xoghayaha Guud ee Golaha Ganacsiga iyo Maalgashiga Soomaaliyeed C/llaahi Nuur Cusmaan.

Gelinkii dambe ee maanta ayaa intii uu shirka socday ayaa waxaa la qabtay doorasho lagu dooranayay Hoggaanka Golaha Ganacsiga iyo Maalgashiga Soomaaliyeed, waxaana mar kale Gudoomiye loo doortay Sheekh Axmed Nuur Cali Jimcaale, halka Labada kuxigeen mar kale loo doortay C/rashiid Heybe Dubad iyo C/llaahi Warsame Jaamac.

Ugu dambeyn shirka ayaa la soo gaba gabeyn doonaa maalinta berri oo Axad ah, iyadoo warbixino looga dhageysanayo Ganacsatada Soomaaliyeed ee shirka ka qeyb galaya, waxaana ay soo bandhigayaan sida loo horumarinayo Ganacsiga Soomaaliyeed oo sanadihii la soo dhaafay is bedel weyn sameeyay.

shir-ganacsi jabuti13933333_10210075480543905_495620125_nshir-ganacsi jabutishir-ganacsi jabuti13936637_10210075470783661_1056880134_nshir-ganacsi jabutishir-ganacsi jabuti13936726_10210075476263798_1045213822_nshir-ganacsi jabutishir-ganacsi jabuti13941046_10210075469383626_1495840570_nshir-ganacsi jabutishir-ganacsi jabuti13941152_10210075480183896_1489993225_nshir-ganacsi jabutishir-ganacsi jabuti13956825_10210075481863938_783648910_nshir-ganacsi jabutishir-ganacsi jabuti13957556_10210075479943890_1097914229_nshir-ganacsi jabutishir-ganacsi jabuti13957558_10210075481143920_377950320_nshir-ganacsi jabuti