Dowladda Konfurta Suudan oo aqbashay in Ciidamo ka socda Gobolka la geeyo Dalkeeda

0
890

Addis ababa(SONNA)—Dowladda Koonfurta Suudan ayaa ogolaatay in dalkeeda la geeyo ciidamo ka socda  gobolka, kadib markii madaxda urur goboleedka IGAD ay go,aamiyeen arintaasi.

Ciidanka ka socda gobolka ayaa gacan ka geysan doona sidii lagu badbaadin lahaa heshiiska nabadeed ee colaadda dalkaasi laga gaaray.

kadib shir madaxda IGAD ay ku yeesheen magaalada Addis Ababa, ayaa ku heshiiyay in haddii uu Riek Machar dib ugu laabto caasimadda Jubba, uu dib ula wareegi doono xilka Madaxweyne ku xigeenka koobaad, kaasoo dhawaan loo magacaabay Taban Deng.

Wali lama faah faahin  Wadamada ay ka imaanayaan Ciidamadan, iyo waliba waqtiga uu howlgalayo.

Hadii lagu guuleysto in ciidamo ka socda Gobolka loo diro Koonfurta Suudan waxa ay kaalin wanaagsan ka qaadan kartaa nabada iyo xasiloonida dalkaasi.