DHAGEYSO;-Wararkii ugu dambeeyay shirka Madasha Wada-tashiga oo maalintii 3aad galay

0
843

Shirka Madasha Wada-tashiga Qaran ayaa wali ka socda xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, kaasoo aan wali ka soo bixin wax natiijo ah, iyadoo la filayay in xalay la soo gaba gabeeyo, lana soo saaro war murtiyeed.

Wararka aanu heleyno ayaa sheegaya in maanta oo jimco ah aanay Madaxda wax shir ah yeelan doonin, isla markaana la nasanayo, waxaa la isku soo laaban doonaa maalinta berri.

Madaxda ayaa isku haya qodobo kala duwan oo ku saabsan go’aan ka gaarista xilliga doorashada, iyadoo la soo jeediyay aragtiyo kala duwan oo la xiriira waqtiga dib loo dhigayo doorashada.

Arrinta la hadal hayay ayaa aheyd in doorashada dib loo dhigo illaa bilaha October iyo November, balse wali la isku raacin.

Sidoo kale waxaa jirta warar soo baxayay oo sheegaya in muddo kordhin hal sano ah la siiyo dowladda, si  howlaha la qaban waayay ay mudada sanadkaas u dhameystirto, balse iyana waa la diiday.

Madaxda qaar ayaa aragtidaas qaba in muddo kordhinta halka sano, waxaase jirta in Wakiilada Beesha Caalamka ay diidan yihiin.

Waxaa kaloo qodobada la isku haayo ka mid ah dhaqaalaha ku baxaya doorashada, iyadoo dowladda Soomaaliya dalbatay in dhamaan dhaqaalaha ay bixiyaan Beesha Caalamka, halka Beesha Caalamka ay sheegtay in dowladda bixiso 70%, inta kalena ay bixiyaan, hase ahaatee dowladda ayaa tilmaamtay in aysan wax dhaqaale ah heyn.

Ugu dambeyn shacabka Soomaaliyeed ayaa ka war sugaya natiijada ugu dambeysa ee ka soo bixi karta shirka, waxaana la dhowrayaa waqtiga kama dambeysta ee lagu dhawaaqi doono inay doorasho dhici doonto.