Maxkamada ciidamada Uganda oo ku xukuntay xabsi hal sano ah Maj Bob Francis (Sawiro)

0
1057

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dalka Uganda ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furtay dacwado loo heysto 17 askari oo ka tirsan ciidanka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Askartan ayaa lagu soo eedeeyay dambiyo ah in ay si sharci dorro ah u iibaneyeen Saanada ciidanka kuwaas oo iyagoo fal dambiyeedkaasi ku dhex jira ay qabteen ciidanka booliska Soomaaliyeed..

Maxkamadda ayaa dhageysatay eedeynta loo soo jeediyay iyadoo sidoo kalana su’aalo la weydiiyay marqaatiyaal maxkamadda la horkeenay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Uganda Brig Dick Olum oo ku dhawaaqay xukunka maxkamadda ayaa sheegay in Major Bob Francis Aring oo ahaa taliyihii ciidamada fal dambiyeedka ku kacay lagu Xakumay hal sano oo xarig ah iyo hoos loo dhigo darajadii ciidan ee uu lahaa, kadib markii ay ku cadaadeen eedeymihii loo heystay.

Dhagaysiga dacwada loo haysto ciidamadan ayaa sii socon doonto, iyadoo garsoorka Maxkamadda Ciidamada Uganda uu ballanqaaday in cadaaladda la marsiin doono askarigii ku xadgudba qawaaniinta ciidanka, dhamaana dib loogu celin doono dalka Uganda.

askar amisom (1)

askar amisom (2)askar amisom (3)askar amisom (4)askar amisom (5)askar