Hogaamiyaasha Madasha Wada-tashiga oo Muqdisho ku kulmaya

0
990

Muqdisho{ Radio Cadaado}:-  Iyadoo Hadal haynta ugu badan Gudaha Dalka Soomaaliya ay tahay in ay dib u dhacday Doorashada Soomaaliya ee la filayay in ay dhacdo Bisha Sagaalaad ee Sanadkaan islamarkaana Baarlamaanka la soo xulo Bishaan August ayaa Hogaamiyaasha Madasha Wada-tashiga Qaran waxaa la filayaa in ay Muqdisho ku kulmaan Hogaamiyaasha Madasha Qaran si ay Go’aan uga gaaraan waqtiga ay dhacatso Doorashada Soomaaliya.

Shirka Hogaamiyaasha Madasha ayaa lagu waday inuu Maanta ka dhaco Magaalada Muqdisho,balse waxaa Warar soo baxaya ay sheegayaan inuu Beri dib ugu dhacay.

Ujeedka dib u dhaca ayaa lagu sheegay Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo ka maqan Muqdisho islamarkaana Xalay Garowe uga qeyb galay Munaasabad lagu Xusayo Aas-aaskii Puntland.

Hogaamiyaasha Madasha Wada-tashiga Qaran ayaa laga sugayaa Go’aanka Doorashada,iyadoo dad badan ay qabaan in Waqtigii loo qorsheeyay in ay dhacdo Doorashada ay ka dib dhacayso.