Guddoomiyaha Gobolka Banaadir mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa u sheegay warbaahinta in Muranka ugu badan ee maamulkiisa la daala dhacayo uu yahay kan la xiriira arrimaha is qab qabsiga dhulalka.
Madaale ayaa hoosta ka ku adkeystay in ay jiraan iskadaba wareeg baahsan ee la xiriira Kiisaska Dhulalka iyo Cadeymahooda sida uu hadalka u dhigay.
Wuxuuna sheegay in si xal ay ugu helaan Kiisaskaas ay joojiyaan dacwad kasta oo la xiriira arrimaha Muranka Dhulka.
Ugu danbeytiina, hadalka duqa Muqdisho ayaa ku soo beegmaya xilli ay so badanaayeen mudooyinkii danbe qeylo dhanta iyo muranada la xariiro dadka isku heysto dhulalka, iyadona dhinaca kale ay jirto eedeymo loo jeedinaayo Masuuliyiin sar sare oo ka tiransan dowladda oo boob ugeysanayaan guryo iyo dhulal ay leeyihiin dowlad iyo dad shacab ah.