WARARKA

Madaxweyne M/Goboleed oo kalsoonida lagala noqday August 14, 2017

Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa kalsoonida kala laabtay Madaxweyne Cali C/laahi Cosoble, kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe. Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle Canab Axmed Ciise ayaa shir guddoomineysay kulankan ka dhacay magaalada Jowhar. Kulanka waxaa soo xaadiray 76 xildhibaan, 68 Mudane ayaa ogolaatay in kalsoonida lagala noqdo Cosoble, 6 xildhibaan way ...

Read More »

Galmudug oo gacanta ku dhigtay nin xaaskiisa dilay August 14, 2017

MUDUG-RADIO-CADAADO _Ciidamada ammaanka maamulka Galmudug ayaa gacanta ku dhigay 5 nin oo mid ka mid ah dilay xaaskiisa, sida ay sheegeen saraakiisha Ciidamada Booliska maamulkaasi. Taliye ku xigeenka Ciidamada Booliska gobolka Mudug qeybta Galmudug Maxamuud Cilmi Maxamuud ayaa sheegay raggan ay Ciidamada gacanta ku dhigeen in ay kala yihiin nin xaaskiisa dilay iyo Afar nin oo gacan ku siisay. Wuxuu sheegay ...

Read More »

Warbixin: Xagee lagu Haya Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo Muqdisho ku Sugan Yaase Amaankiisa Gacanta Ku haya? Aug 14, 2017 – jawaab

Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ayaa caawa ku hoyanaya magaalada Muqdisho, kadib muddo ka badan 6 sano ah oo uu ka baxay isagoo ka mida hoggaanka sare ee Alshabaab. Ciidamada Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa la wareegay ammaanka Mukhtaar Roobow, iyadoo laga dejiyay qeybta ciidamada ee Afisyoone, isla markaana ciidamo fara badan ay galbiyeen. Mukhtar Roobow ayaa la geeyay xarunta ...

Read More »

Ra’iisulwasaare ku xigeenka Australia ‘oo dhalasho kale haysta’

Ra’iisulwasaare ku xigeenka dalka Australia Barnaby Joyce ayaa shaaca ka qaaday in laga yaabo in uu leeyahay dhalasho New Zealand ah. Dadka labada dhalasho haysta ayaan loo ogolayn in ay ka shaqeeyaan xafiisyada dadwaynaha sida uu dhigayo dastuurka Australia. Joyce ayaa sheegay in uu maxkamadda sare ee dalka waydiisan doono xallinta arrintan, ka dib markii uu helay talo qaanuun oo ...

Read More »

Wasiiro ka tirsan Hirshabeelle oo is casilay

Wasiiro ka tirsan Maamulka Hirshabeelle, ayaa lagu soo waramayaa inay iska casileen xilkii ay ka hayeen Maamulka Hirshabeelle, kadib markii ay sheegeen in Madaxweyne Cosoble uu ku fashilmay u shaqeynta Maamulka Hirshabeelle. Wasiirada iscasilay, ayaa sheegay Madaxweynaha Hirshabeelle inuu ku fashilmay hoggaaminta Maamulkaasi sidaasi awgeedna ay go’aansadeen inay iska casilaan xilalkii ay hayeen. Wasiirada xilalkan iska casilay, ayaa waxa ay ...

Read More »

Khayre “Dalkan Mustaqbal buu leeyahay, Dhalinyaraduna Waa Milkiilayaasha Dalka”+SAWIRRO

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xalay ka qeybgalay xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu xusayey Maalinta Dhalinyarada Adduunka oo ay soo qabanqaabisay Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha. Xafladan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Wasiiro ay ka mid ahaayeen Wasiirka Dhalinyarada & Ciyaaraha, Xildhibaano, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho, dhalinyaro iyo martisharaf ...

Read More »

Weerar Khasaaro Dhaliyay Oo Ka Dhacay Degmada Cabudwaaq

Maleeshiyaad hubeysan ayaa weerar khasaaro dhaliyay waxa ay ku qaadeen Gaari ay la socdeen dad Shacab ah oo marayay meel u dhow degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud. Gaarigaan ayaa xiligii la rasaaseynayay waxa uu ka yimid deegaanka dhabad, ee Gobolka Galgaduud ‘isaga oo ku dhowaa degmada Cabudwaaq ee isla Gobolkaas. Dadka deegaanka ayaa waxa ay sheegeen in weerarkaas lagu dilay ...

Read More »

Dowlad Goboleedka Galmudug oo Jaanjoyn u sameeyey sarifka lacagah oo Muran kataagnaa

Ganagsatada gobollada dhexe ee Soomaaliya iyo maamulka Galmudug ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada cadaado waxay ku  shaaciyeen in hadda wixii ka dambeeya ay si toos ah ay gobollada dhexe looga qaadandoono lacagihii shilin Soomaaliga ah,kadib  muddooyinkii ugu dambeeyey aan laga isticmaalijirin inta badan koonfurta iyo bartamaha Dalka, taasoo sababtay in dadwaynuhu ay cabasho ka muujiyaan. Sidoo kale waxaa jiray ...

Read More »

Wasiirka Gaashaandhigga oo la kulmay Abuu Mansuur

C/rashiid C/laahi Maxamed Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumada Soomaaliya ayaa degmada Xudur kula kulmay Sheekh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur), oo maanta Koonfur Galbeed isku soo dhiibay. C/rashiid C/laahi Maxamed iyo Saraakiisha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya iyo masuuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu soo waramayaa kulan albaabada u xirnaa inay la qaateen Abuu Mansuur. Kulanka oo ka dhacay xarunta Degmada ...

Read More »