WARARKA

Daawo Sawirada Xafladii Caleemo Saarka Suldaan Cabdulaahi Siciid Gacmodheer Ee Gaalkacyo Galmudug.

Munaasabad Ka dhacday Magaalada Gaalkacyo Ee Xaruunta Gobalka Mudug Waxaa Suldaan Cusub Ku doortay Beesha Reer Hilowle Gaar ahaan Reer Sharmaake.. Xaflada Lagu dooranayay Suldaanka Cusub Ayaa waxa Ka Soo Qeyb galay Masuuliyin Ka tirsan Galmudug ,Culimaa,udiin,Qaar ka Mida Odayaasha Dhaqanka ,Dhalinyaro, Haween Iyo Fanaanada Caanka Ah Fartuun Axmed Sahal (Fartuun Birimo). Intii Ay Socotay Xafladu Ayaa waxaa Madasha Laga ...

Read More »

Maxamed Cabdi Waare iyo Daahir Cabdulle Cawaale oo isugu soo haray wareega ugu dambeeya ee doorashada.

usharaxiinta kala ah Maxamed Cabdi Waare iyo Musharax Daahir Cabdulle Cawaale ayaa isugu soo haray wareega ugu dambeeya ee doorashada Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle, kaddib markii ay ka tanaasulee wareega labaad Musharaxiinta kala ah Cabdi Faaraq Laqanyo iyo C/naasir Xaaji Shirwac. Musharax Maxamed Cabdi waare ayaa wareega koowaad helay codod dhan 44 cod, halka Musharaxa kale ee ku xigay Daahir Cabdulle ...

Read More »

Weerar culus oo ka dhacay Garbahaarey.

Al-Shabaab ayaa xalay weerar waxa ay ku qaadeen Magaalada Garbahaarey ee Caasimadda gobolka Gedo sida ay xaqiijiyeen maamulka gobolka Gedo. Weerarka ayaa ka dhacay xerada Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin dhanka koonfureed ee magaalada. Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in ay iska caabiyeen weerarkaasi,islamarkaana ay dib u riixeen dagaalyahanadii weerarka qaaday. Ciidamada dowladda Itoobiya ee saldhigga kuleh Magaalada ayaa ...

Read More »

DHAGEYSO:-Barnaamijka Dood-Wadaag Ee Radio Cadaado (16-09–2017)

Cadaado ( Radio Cadaado):– Dhageystayaasha ku xiran Website-ka radiocadaado.com Ama Webka Hobyomedia.com  waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijkii  Dood-Wadaag Oo Habeenkasta  Sabti  Soogaleyso Jimcana Siibaxayo Aad Kadhagaysataan Radio Cadaadi Iyo Radio Hayaan Oo Ku Kalayaal Cadaado Iyo Gaalkacyo , B-Dood-Wadaag  Caawa Waxaa Looga Hadlay Hashiisiiskii Maamulka Galmudug Iyo Putland Kagaareen Colaada Gobolka Mudug Iyo Rajada laga Qabo In Xal-Waara Laga Gaaro ...

Read More »

Imaaraadka oo sare u qaadaya taageerada Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Amb. Yusuf-Garaad Omar Ahmed ayaa xafiiskiisa ku qabilay Danjiraha Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya H.E. Amb. Mohammed Ahmed Osman Al Hammadi, waxa ayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah uu ka dhexeeyo. Wasiir Yuusuf Garaad ayaa boggaadiyay kaalinta dowladda Imaaraat-ka ...

Read More »

Dab ka kacay iskuul oo ay dad badan ku dhinteen.

Ugu yaraan 25 arday iyo macalimiin ayaa ku dhintay dab ka kacay iskuul islaami ah oo lagu hoydo, kaasi oo ku yaalla caasimmada Kuala Lumper ee waddanka Malaysia. Dabka oo ka kacay xarun lagu barto laguna xifdiyo Qur’aanka kariimka oo lagu magacaabo Ittifaqiyah ayaa kacay aroortii hore ee saakay. Tirada dhimashada ee la xaqiijiyay ayaa ah 23 arday iyo laba ...

Read More »

Jawaari “Baarlamaanka ha loo daayo kiiska Qalbi-dhagax.

Arrinta C/kariin (Qalbi-dhagax) oo muran badan ka dhex dhalisay Xukuumadda iyo Baarlamaanka Soomaaliya ayaa weli waxa ay tahay mid taagan oo aanan loo helin xal kama dambeys ah. Shacabka Soomaaliyeed oo qaarkood arrintan iyaguna ku kala qeyb samay ayaa waxa ay dalbanayaan in la raaco go’aankii Xukuumadda, oo aanan dib loo soo laaban, halka qaar kalena ay ku baaqayaan in ...

Read More »

WAR DEG DEG AH:- Mareykanka oo 3 weerar ka fuliyay Soomaaliya iyo Shabaab oo khasaaro la gaarsiiyay.

War qoraal ah oo ka soo baxay TaliskaCiidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in iyada oo xiriir lala sameeyey dowladda Soomaaliya, uu ciidanka AFRICOM fuliyey Saddex weerar oo dhinaca cirka ah oo bartilmaameedsan. Weeraradaas ayaa war saxaafadeedka lagu sheegay in lagu qaaday ururka Al-Shabaab, saacadu marka ay aheyd qiyaastii 2:15 saqdii dhexe ee xalay, halkaasina lagu dilay 6 ...

Read More »

Ismiidaamin ka dhacday magaalada Kapul.

Qarax Ismiidaamin oo ka dhacay meel ka baxsan caasimadda Kapul ee dalka Afganistan gaar ahaan Garoonka lagu cayaaro cayaarta Cricket-ka ayaa dilay ilaa Saddex qof oo mid ka mid ah uu yahay Askari. Dhammaan cayaartoyda iyo daawadayaasha ayaa lagu soo waramayaa in ay caafimaad qabaan. Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay warbixinada hordhaca ah inay muujinayaan dhimashada hal Askari iyo laba ...

Read More »