Wararka Galmudug

Baarlamaanka cusub oo loogu baaqay inuu baabi’iyo go’aanadii Madasha

Baarlamaanka cusub ee Federaalka Soomaaliya ayaa loogu baaqay inuu baabi’iyo dhamaan go’aamadii Madasha Wada-tashiga Qaran ay gaartay, kaddib markii shalay uu si rasmi ah ula wareegay talada dalka. Baarlamaanka labada Aqal ayaa lagu wadaa inuu dib u eegis ku sameeyo go’aanada qaar ee ay gaareen oo loo arkay in aanay aheyn kuwo dastuur ah. Warar la helayo ayaa sheegaya in ...

Read More »

Ciidamada booliska oo adkeynaya amaanka Muqdisho inta doorashooyinka socdaan

Taliska ciidamada booliska gobolka Banaadir ayaa sheegay iney adkeynayaan amaanka magaalada Muqdisho inta lagu gudo jiro doorashooyinka, gaar ahaan doorashada madaxweynaha iyo hogaanka baarlamaanka. Jeneraal Bishaar Abshir Geedi, oo ah taliyaha ciidamada booliska gobolka Banaadir ayaa sheegay iney isku diyaariyeen adkeynta amaanka inta loo diyaar garoobayo doorashada gudoonka baarlamaanka Soomaaliya. Isgoysyada magaalada Muqdisho ayaa la geeyay ciidamo badan oo boolis ah, kuwaasi ...

Read More »

DHAGEYSO;-WARKA HABEEN EE RADIO CADAADO 26=12=2016

Dhageystayaasha Radio Cadaado Ee ku xiran Website-ka Idaacada Waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Warkii Caawa ee ka baxay Radio Cadaado. Warka Caawa Waxaa si wadajir ah u aqrinayay ah aqrinayay: Sharmaarke Suuley .Samsam Maxamed Maxamuud Iyo Nuur Maxamed Cabdi :- Farsamadii:-  Ayaan Maxamed :- Halkaan Ka Dhageyso Warka Radio 

Read More »

Ururka Suxufiyiinta Qaaradda Afrika oo aqoonsaday Hoggaanka NUSOJ

Ururka Suxufiyiinta Qaaradda Afrika FAJ ahna ururka ugu weyn Qaaradda ayaa si buuxda u aqoonsday hogaanka cusub ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ. War murtiyeed ka soo baxay Ururka FAJ ayaa waxaa uu meesha kaga saaray Cumar Faaruuq Cismaan oo sheegan jiray hoggaanka ururka, horayna looga soo saaray dhowr urur oo ka jira Qaaradda Afrika. FAJ waxaa qoraalkii shirkeedii ...

Read More »

Ciidamada dowladda oo qarxiyay miino la dhigay maqaayad ku taala isgoyska Howlwadaag

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa qarxiyay miino la dhigay mid ka mid ah maqaayadaha ku yaala isgoyska Howlwadaag ee magalada Muqdisho. Qaraxa miinada oo ahaa mid xoogan ayaa laga maqlay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay inuusan jirin waxyeelo dadka ka soo gaartay miinada la qarxiyay. Dadka ku sugnaa goobta miinada la dhigay ayaa ciidamada dowladda ku wargeliyay in ...

Read More »

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo baajiyay banaan bax saaka ka dhici lahaa Muqdisho

Banaan bax looga soo horjeeday xubnaha lagu daray Aqalka Sare ee laga qadiyay Gobolka Banaadir oo saaka lagu waday inuu ka dhaco magaalada Muqdisho ayaa la baajiyay. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa shalay ku baaqay isu soo bax ballaaran oo lagu muujinayo xaqdarada lagu sameeyay Gobolka Banaadir, kaddib markii aan wax xubno ah laga siin 18-kursi ee lagu ...

Read More »

Ciidamadda Kenya oo looga digay inay faragelin ku sameeyaan siyaasadda Soomaaliya

Taliyaha guud ciidamada Kenya ayaa digniin siiyay ciidamada dowladda Kenya ee ku sugan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose iyo deegaanada Jubbaland. Taliyaha guud ee ciidamada Kenya Samson Mwathethe iyo Raychelle Omamo  oo ah xoghayaha difaaca Kenya ayaa labaduba kaga digay ciidamada Kenya inay faragelin ku sameeyaan siyaasadda Soomaaliya. Taliyaha ayaa kulamo uu la qaatay saraakiisha ciidamadda Kenya ee ku sugan ...

Read More »

Cumar C/rashiid oo la kulmay Xildhibaanada labada Aqal ee Jubbaland

Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha ayaa bilaabay xod-xodashada iyo kasbashada Xildhibaanada laga soo doortay gobolada, iyadoo Musharax walba uu dadaal ugu jiro sidii uu u heli lahaa kalsoonida Xildhibaanada. Ra’iisul Wasaaraha xilka sii haya ahna Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Cumar C/rashadiid ayaa shalay kulan qado u sameeyay Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka iyo Aqalka sare ee  Jubbaland, Cumar C/rashiid ayaa kala hadlayay ...

Read More »

Daawo:-Sawirada-Galmudug oo Ka badisey Puntland & Banaadir oo Dhulka la Sintey Jubbaland +SAWIRRO

Tartanka Kubadda Koleyga haweenka Maamul goboleedyada ayaa waxaa uu si xiso badan uga soconayaa garoonka Mire Awaare ee magaalada garoowe waxaana iminka soo gaaray heerkiisii Ns dhamaadka oo afar kooxood isugu soo hareen. Kulamadii ugu danbeeyey ee Groupyada waxaana kulankii koowaad uu dhexmaray Kooxaha Galmudug & Puntland kulankaasi oo labada koox u dheelayeen kaalinta koowaad iyo labaad maadama ay guulo ...

Read More »