Wararka Galmudug

Banaanbax ka dhan ah Qaraxii Zoobe oo ka dhacay Cadaado (SAWIRRO).

Magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah maamulka Galmudug ayaa maanta waxaa ka dhacay Banaanbax, kaasi oo ay ka qeyb galeen qeybaha kala duwan bulshada oo ay ugu horeeyaan Ardayda iyo Haweenka. Banaanbaxayaasha oo marooyin guduudan ku soo xirtay Madaxyadooda ayaa waxa ay ku dhawaaqayeen ereyo ay kaga soo horjeedaan Qaraxii Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho. Sidoo kale Banaanbaxan oo ...

Read More »

Guddiyadda joogtada ah oo ka shiraya Qaraxii Zoobe

Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta kulan ku yeelanaya Xarunta Guddoonka iyo Guddiyada joogta ee Villa Hargeysa. Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galaya Guddoomiyeyaasha Guddiyada Golaha Shacabka iyo Guddoonka Sare. Kulanka ayaa waxaa loogu hadlaya Qaraxii dadka badan ay ku dhinteen ee ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho. Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo ah Guddoomiyaha Guddiga ...

Read More »

Meydad hor leh oo laga helay Isgoyska Soobe,

Meydad Horleh ayaa maanta laga helay Isgoyska Soobe ee Magaalada Muqdisho halkaasoo  uu ka dhacay Qarax Xooggan 14-kii Bishaan. Kudhawaad Afar qof ayaa Maanta laga soo bixiyay dhismeyaal Burburay iyo Gawaari. Gaadiidka Gurmad deg deg ah ayaa wali shaqeynaya, waxaana socda howlaha samatabixinta. Waxa ay wararku sheegayaan in ay suurtagal tahay in wali ay jiraan dad ku hoos jira dhismayeyaashii ...

Read More »

Guddoomiyaha G/Banaadir oo baaq u diray shacabka Muqdisho,

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa shacabka Muqdisho ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Ciidamada ammaanka, si looga hortago falalka amni daro. Guddoomiyaha ayaa sheegay in loo baahan yahay shacabka Muqdisho in ay ka hortagaan cid walbo oo dhibaato ku ah, isaga oo sidoo kale tilmaamay shacabka in looga baahan yahay in ay si wadajir ah ...

Read More »

Dowladda Turkiga oo diyaarad qaada dhaawacyada u soo dirtay Muqdisho.

Dowladda Turkiga ayaa Muqdisho u soo dirtay diyaarad sidda Dawooyin iyo sidoo kale shaqaalle Caafimaad oo loogu tala galay in ay la tacaalaan dadkii ay waxyeeladu kasoo gaartay Qaraxii ka dhacay Muqdisho. Rajab Deyib Erdogan Madaxweynaha Dalka Turkiga ayaa amray in diyaaraddaasi ay si deg deg ah ku tagto Magaalada Muqdisho. Afhayeenka Madaxweynaha Turkiga  Ibrahim Khaliil ayaa sheegay in marka ...

Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo tagay isbitaaladii la dhigay dadka dhaawacyada qaba.

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa tagay qaar kamid ah isbitaaladii la dhigay dadka dhaawacyada qaba,wuxuuna madaxweynuhu  dhiig u shubay dad Soomaaliyeed oo qaraxaasi dhibaato culus ka soo gaartay. Madaxweyne Farmaajo ayaa muujiyay sida Dowladda Soomaaliya ay uga xuntahay Qaraxaasi wuxuuna ku baaqey in laga wada qeyb qaato u gurmashada dadka walaalaha ah ee mashaqadu qabsatay. Waxaa uu ...

Read More »

Khasaaraha ka dhashay Qaraxii ka dhacay Muqdisho.

Ugu yaraan 20 Qof ayaa ku dhintay tiro intaasi ka badana dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii Qarax loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa uu ka dhacay Isgoyska Soobe ee Muqdisho. Waxaa sidoo kale suurtagal ah in uu intaasi uu ka bato Khasaaraha sida ay sheegayaan laamaha Amniga dowladda. Waxaa wali socda badbaadinta dadkii ay waxyeeladu kasoo gaartay ...

Read More »

Ciidamada NISA oo qarxiyay gaari Laga soobuuxshay waxyaabaha qarxa.

Ciidamada Ammaanka ayaa gacanta ku dhigay darawal waday gaari Noho ah oo qarax labaad siday,kaasi oo markii dambe ciidamada NISA ay qarxiyeen. Ciidamada Ammaanka ayaa sheegay in gaarigaasi ay ku qabteen Xaafadda Ceelqalow ee degmada Wadajir ee gobolka Banaadir. Saraakiisha NISA ayaa sheegay in gaarigaasi ay qarxiyeen , islamarkaana ay qabteen shaqsigii waday.

Read More »

Qarax Labaad oo ka dhacay Muqdisho.

Qarax Labaad ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xaafadda Ceelqalow ee degmada Wadajir. Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka degaanka iyo Saraakiisha Ciidamada Qaraxa ayaa loo adeegsaday gaari waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay. Gaariga qarxay ayaa la sheegay in uu ahaa Nooho. Wixii kusoo kordha kala soco RadioCadaado.com  W/DH.Wariye Jile Jaamac Jile

Read More »