Wararka Galmudug

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliland Samsam Cabdi Aadan oo digniin culus u dirtay Ganacsatada

HARGEYSA( RADIO CADAADO)Wasiirka Maaliyadda Soomaaliland Samsam Cabdi Aadan ayaa digniin adag u dirtay Ganacsatada Soomaaliland,Wasiirka ayaa sheegtay ineysan Xukuumadda Soomaaliland aqbali doonin in Shacabka lagu qaaliyeeyo qiimaha Raashinka xilli lagu jiro waqti adag. Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa sheegtay in Ganacsatada looga baahan yahay iney u tudhaan dadka Shacabka ah waxayna shaaca ka qaaday in tallaabo adag laga qaadi doonin ...

Read More »

Faah faahin dheeraad ah oo kasoo baxaysa Al-shabaab oo dilay Gudoomiyihii deegaanka Cumar Jilicow oo ka tirsan Mandheera iyo Saraakiil Kenyan ah oo ay qafaasheen

MANDHEERA( RADIO CADAADO)Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar culus oo rag ka tirsan Al-shabaab ay ku qaadeen deegaanka Cumar Jilicow oo ka tirsan Degmada Mandheera ee dalka Kenya. Weerarka ay Al-shabaab ku qaadeen deegaanka Cumar Jilicow ayaa waxa ay ku dileen Gudoomiyihii deegaankaasi,waxayna ku qafaasheen  2 Sarkaal oo ka tirsan Ciidamada Boolsika dalka Kenya,Kooxda weerarka qaaday ayaa beegsatay Guriga ...

Read More »

War murtiyeed laga soo saaray shirkii Wadatashiga ee geedi socodka dib u eegista Dastuurka

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo gaba gabeysay kulan wadatashi ah oo ay Muqdisho ku qabatay, kaasoo ay ka qeyb galeen Wasiirada Darstuurka ee dowlad gobaleedyada Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug, Hirshabeelle iyo Gobolka Banaadir laguna qabtay magaalada Muqdishu 14-16kii Maajo 2017. Kulankan wuxuu qayb ka ahaa wadatashi ballaaran oo ay Wasaaradda la sameeynayso dhammaan qaybaha ...

Read More »

Dowlada Soomaaliya oo la wareegtay qalab loo isticmaalo duulista hawada oo ay leedahay hay’ada ICAO

Dowlada Federalka Soomaaliya iyo hay’ada caalamiga ah ee duulista hawada(ICAO)ayaa waxaa ka dhexeeya khilaafkii ugu sareeyay kadib markii si qalad ah magaalada Muqdisho loo keenay konteenaro ay ku jiraan qalab lagu maamulo duulista hawada Soomaaliya balse oo waday magaalada Nairobi. Hase yeeshee hay’ada ICAO ayaa dooneysa qalabkan in la geeyo magaalada Nairobi si halkaa loogu isticmaalo isla markaana lagula socdo ...

Read More »

Faah Faahin: Odayaal lagu xiray Jalalaqsi oo loo heysto ka qeyb galka Xaflad Al-Shabaab

Wararka ka imaanaya degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in illaa 10 oday dhaqameed ay ciidamada dowladda ku xireen degmadaas. Odayaashan ayaa la sheegay inay ka qeyb galeen xaflad caleema saar ah ah oo ka dhacay deegaanka Buurweyn.   Sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda oo lagu magacaabo Faarax Aadan ayaa sheegay in odayaashan lagu haayo xabsiga, isla markaana arrintooda ...

Read More »

Xisbiga Daljir oo maamuus ballaaran u sameeyay Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed

Munaasabado uu Xisbiga Daljir ku weyneynayay Maalinta dhallinyada Soomaaliyeed ee 15-ka May, ayna kasoo qeyb galeen mas’uuuliyiin ka tirsan labada aqal ayaa gelinkii dambe ee shalay iyo xalay waxa ay ka kala dhaceen xarunta dhexe Xisbiga iyo Hotel Makkah Al Mukaramah ee Magaalada Muqdisho. Munaasabadda gelinkii dambe ee shalay lagu qabtay Xarunta Dhexe ee Xisbiga ayaa waxaa soo qaban qaabiyay ...

Read More »

Boqorka Sacuudiga Carabiya oo casuumaad labaad u soo diray Madaxweyne Farmaajo

Boqorka Sacuudi Carabiga Boqor Salmaan Bil Abdulaziz ayaa warqad casuumaad u soo diray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo. Safiirka Sacuudiga u fadhiya Kenya Dr. Mohammed Abul-Ghani Khayat ayaa Madaxweynaha ku wareejiyay warqada casuumaad ah oo loo soo dhiibay, kaddib kulan ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho. Kulanka labada dhinac ayaa looga hadlay danaha labada dal ay wadaagaan iyo arrimo dhowr ah, ...

Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay saddexdii bilood

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo xalay khudbad ka jeediyay munaasabad ka dhacday Aqalka dowladda Hoose oo lagu xusayay 15-ka May, 74-guuradii ka soo wareegatay aas aaskii ururka SYL ayaa ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay dowladdiisa. Madaxweynaha ayaa sheegay in saddexdii bilood ee talada dalka hayay ay qabteen inay soo celiyaan karaamadii umadda Soomaaliyeed uu adduunka ku lahaa. Sidoo kale ...

Read More »

Ra’iisul Wasaaraha oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Norway

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kulan gaar ah kula yeeshay Magaalada Doha ee dalka Qatar, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dawladda Norwey Børge Brende, waxayna ka wada hadleen arrimo ku aadan horumarinta xiriirka labada wadan. Ra’iisal Wasaaraha ayaa tilmaamay muhiimda ay leedahay sii xoojinta xiriirka labada dal ee soo jireenka ah. Waxaana uu si weyn uga mahad celiyey doorka ...

Read More »