Wararka Galmudug

Dhageyso:-Gudoomiye Yariisow Oo Amray In La Joojiyo Dhismo Ku Socdo Dhul Ay Horay U Fasaxeen Wasiirka Amniga & Taliyaha Booliska

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng, Cabdiraxmaan Cumar cismaan Yariisow ayaa Wareegto uu soo saaray waxa uu amray in la joojiyo dhismo ka socda Dhul ka soo horjeeda Dekada Muqdisho ee degmada  Xamar Jajab. Wareegtada ayaa waxaa lagu amray Maamulka degmada Xamar Jajab iyo Hay’adaha Amniga in ay joojiyaan dhismaha ku socda dhulkaas. “Waxaa la farayaa maamulka degmada Xamar-Jajab ...

Read More »

Dhageyso:-Khasaaraha Ka Dhashay Qarax Ka Dhex Dhacay Guri Ku Yaalla Muqdisho

Maqribnimadii Caawa ayaa waxaa qaraxa jugtiisa  laga maqlay Xaafado badan oo ka tirsan degmada deeyniile ee gobolkaan Banaadir,waxana la sheegay in uu khasaaro geystay. Qaraxan ayaa la sheegay in uu ahaa mid lagu diyaarinayay guri ku yaalla Xaafada Oodweyne ee degmada deeyniile,isla markaana uu geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah. Qof ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Dalsan ...

Read More »

Dhageyso:-Shirka Amniga Qaranka Oo Maanta Ka Furmaya Muqdisho

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in Saacadaha soo socda ee Maanta ah uu ka furmo shirka amniga Qaranka oo dhowr mar horay loo qabtay. Shirkaas ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxda dalka ugu sareysa iyo kuwa Dowlad goboledyada dalka ka jira kuwaas oo hadda qaarkood ku sugan Magaalada Muqdisho marka laga reebo Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Koonfur Galbeed. ...

Read More »

Dhageyso:-Xildhibaan Ka Tirsan Maamulka Jubbaland Oo Ku Dhawaaqay In Uu Is Casilay

Xildhibaan Axmed Taajir oo ka mid ahaa xildhibaanada Jubbaland maalmahaana ku xirnaa Magaalada kismaayo ayaa ugu dmbeyn sheegay in uu iska casilay xubintii xildhibaanimo. Shir Jaraa’id uu qabtay ayuu sheegay in uu Maanta wixii ka dambeeya uu ka tanaasulay Xubintii Xildhibaanimo ee uga mid ahaa Baarlamaanka Jubbaland. “Waxaa rabaa in aan cadeeyo Maanta in aan iska casilay Xubintii xildhibaanimo ee ...

Read More »

Guddoomiye Yarisow oo kala hadlay Wafdi ka socda Dawladda Shiinaha horumarinta Caasimadda

Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa kulan la qaatay wafdi ka socda dawladda Shiinaha oo kamid yihiin shariikado ka shaqeeya horumarinta magaalooyinka. Waxana ay isla soo qaadeen sidii Caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho ay ula tartami lahayd caasimadaha caalamka, gaar ahaan horumarinta iyo dhismaha jidad casri ah, dib-u-howlgelinta Nalalka haga gaadiidka ee ...

Read More »

Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya Oo Weeraray Saldhigyo Lagu Tababari Jiray Shabaab

Weerarkaan ayaa dhacay saakay Waaberigii waxaana la sheegay in ciidamada Kumaandoosta Soomaaliya ay weerareen Saldhig ay Al-Shabaab ku tababarayeen Ciidamo oo ku yaalla deegaanka Jameeco Jiliyaale ee dhinaca Bari ee Magaalada Jowhar. Dadka deegaanka qaarkood oo diiday in Magacooda iyo codkooda loo adeegsado qalabka Warbaahinta ayaa wxa ay dalsan u sheegeen in Saakay waaberigii ay maqleen Jug culus kadibna uu ...

Read More »

Sawirro:-Shariif Xasan Oo Baydhabo Kulan Kula Leh Wefdi Ka Socda Dowladda Britain

Safiirka  Dowladda Britain u fadhiya Soomaaliya David Concar iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa  goor dhow gaaray Xarunta KMG ah Dowlad Goboleedka  Koonfur Galbeed Soomaaliya ee Magaalad Baydhabo. Wefdiga ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha  Shaati Gaduud ku soo dhaweeyay Masuuliyiin ka tirsan Maamulka koonfur Galbeed soomaaliya iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada. Wefdiga ayaa haatan  Madaxtooyada kula leh kulan Madaxweynaha Dowlad Goboledka ...

Read More »

Dhageyso:-Xildhibaan Daahir Amiin Jeezow Oo Siyaasiyiinta Mucaaradka Ah Uga Digay In Ay Lacago Ka Qaataan Dowladdo Shisheeye

Xildhibaan Daahir Amiin Jeezow oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka iyo weerarkii lagu qaaday guriga Senator Cabdi xasan Cawaale Qeybdiid. Xildhibaanka oo Maanta sigaar ah ula hadlay Idaacadda Dalsan ayaa sheegay in Siyaasiyiinta mucaaradka ah looga baahan yahay in ay sheegaan dhaliilaha dowladda sida wasiirada iyo dadka kale ee Madaxda ah ...

Read More »

Qaramada Midoobay oo Kenya ugu baaqday inay ilaaliso xorriyadda saxaafadda

Hay’adda Qaramada midoobay u qaabbilsan xuquuqul insaanka ayaa xukuumadda Kenya ugu baaqday inay tixgeliso ammarka ka soo baxay maxkamadda sare ee Dalkaasi, dibna u howl geliso warbaahintii hawada laga saaray dhawaan. Dowladda Kenya ayaa albaabbada isugu dhufatay Taleefishinnada kala ah ,Citizen, NTV Inooro iyo KTN, markii ay baahiyeen dhaarintii Railla Odinga loo dhaariyay inuu Kenya ka yahay madaxweyne, xilli doorasho ...

Read More »