Wararka Galmudug

Dhageyso:-Ra’iisul Wasaare Kheyre oo qiray in cadawga dowlada ka faa’iidestaan khilaafkooda

Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  ayaa sheegay in madaxda dowladda iyo kuwa Maamul goboleedyada dalka looga baahan yahay in ay ka fikiraan hal mid oo ah in hadii uu khilaaf yimaado ay ka faa’iideestaan Cadawga. “Waxaa xaqiiqo ah in ay muhiim tahay in dowladda iyo madaxda maamul goboleedyada ay mar walba ka fikiraan hadii uu yimaado khilaaf ...

Read More »

Qaar ka mid ah wadooyinka Magaalada Muqdisho oo xiran

Wadooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho ayaa saaka xiran, iyadoo gaadiidka ay saaran yihiin dadka shacabka ah aysan isaga kala gudbi karin Isgoysyada Magaalada gudaheeda. Isgoyska Tarabuunka, Isgoyska Digfeer, KPP, Bakaaraha, Hawlwadaag, Foloransa iyo Isgoyska Dabka ayaa xiran ciidanka dowladda ayaana ku sugan. Gaadiidka rayidka ayaa loo diidayaa dhamaan Isgoysyadan inay maraan, kaliya waxaa loo ogol yahay kuwa ay wataan ciidamada ...

Read More »

Dhageyso:-Dowladda oo weysay Xabsiyo ay dadka ku xirto iyo Wasiirka Cadaalada oo shaaciyey

Wasiirka Wasaaradda Cadaalada Xukuumadda Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji  ayaa ka hadlay dhibaatooyin uu sheegay in ay waqtigaan heestaan Maxaabiista xukumay oo ay Gacanta ku heyso dowladda Federaalka Soomaaliya. Waxa uu sheegay in waxyaabaha uu arkay waqtiagan ay qeyb ka tahay in dadka markii la xukumo la waayo Xabsi lagu xiro taasina ay keeneyso in guryahooda loo diro sida uu ...

Read More »

Sawirro:-Aadan Barre Ducaale Iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Oo Nairobi Ku Kulmay

Magalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa kulan ku yeeshay hogaamiyaha Aqlabiyada Baarlaamanka Kenya iyo gudoomiyaha Baarlamaanka dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cusmaan Barre Maxamed oo safar Shaqo ku jooga dalkaas. Hogaamiyaha Aqlabiyada Baarlaamanka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay in kulanka uu ahaa,mid salaan sharaf ah,isla markaana ay ka wada hadleen qodobo muhiim ah,war kooban oo uu soo dhigay Barta uu ku ...

Read More »

Dhageyso:-Gudoomiyaha G/Hiiraan oo sheegay in ay isku fureen Degmooyinkii ay go’doomiyeen Al-Shabaab

Saacadihii la soo dhaafay deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Hiiraan waxaa ka socday howlgallo ay wadeen Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya,waxana maamulka Gobolka Hiiraan masuuliyiintooda ay sheegeen in ay guulo ka soo hooyeen howlgalkaas. Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo Warbaahinta la hadlay isaga oo ku sugan deegaanka hees ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in Ciidamada xoogga ...

Read More »

Dowladda Soomaliya oo u yeertay Safiirka Imaaraadka u jooga Soomaaliya waxna ka weydiisay Arrinta DP World

Magalada Muqdisho waxaa kulan ku yeeshay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibada Soomaaliya iyo Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Maxamed Axmed Al-Cusmaan Xamaadi,iyaga oo ka wada hadlay arrinta Shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta. Kulankaas ayaa ahaa mid Safiirka ay u yeertay Wasaaradda Arrimaha Dibada Soomaaliya,waxaana labada masuul ay ka wada hadleen Go’aankii baarlamaanka Soomaaliya ay dalka ...

Read More »

Sawirro:-Faah faahin qarax gaari oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Faah faafin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax gaari loo adeegsaday oo Galabta ka dhacay afaafka hore ee Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo ku taalla agagaarka Zayidka. Qaraxa ka hor ayaa la sheegay in Ciidamada Dowladda ay istaajiyeen gaariga balse uu qarxay,waxana soo baxaya faah faahin ku saabsan khasaaraha ka dhashay qaraxaas. Wararka hordhaca ee soo baxaya ayaa ...

Read More »

Wareysi:-Gudiga difaaca oo kulan deg deg ah Ra’iisul Wasaaraha kala yeeshay Xiisada Baled Xaawo

Ra’iiusl Wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Gudiga difaaca Golaha Shacabka Soomaaliya waxa uu kala hadlay xiisada ka soo cusboonaatay degmada Balad Xaawo ee u dhaxeysa dadka deegaanka Ciidamada Kenya. Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo ka mid ah xubnaha Gudiga difaaca kana mid ahaa Xubnihii Ra’iisul Wasaaraha la kulmay ayaa sheegay in ay u gudbiyeen cabashada uga ...

Read More »

Akhriso:-Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji”Marnaba ma aqbaleyno boobka ay Kenya ku heyso Dhulka Soomaaliyeed”

Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya aya si kulul uga hadlay xiisada ka taagan Magaalada Balad Xaawo iyo xadgudubka dowladda Kenya ay ku sameysay dhulka Soomaaliya dhanka gobolka Gedo ee Magaalada Balad Xaawo. Xildhibaanka ayaa digniin u diray dowladda Kenya taas oo ku aadan sida uu sheegay in ay boobku heyso dhulka Soomaaliyeed. “Kenya ...

Read More »

Dhageyso:-Maxkamada Ciidamada Oo Maanta Xukuntay Rag Lagu Eedeeyay Farsameynta Qaraxyada

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxa ay Xukun ku riday rag lagu eedeeyay in ay farsameyn jireen qaraxyada kuwaas oo dhowr mar dacwadooda ay  Maxkamada dhowr mar ay dhageystay. Raggaan Maanta Xukunka lagu riday ayaa gaaraya ilaa 3 kuwaas oo Maxkamada ay ku eedeysay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab,isla markaana ay u qabilsan yihiin dhanka qaraxyada. ...

Read More »