BARNAAMIJYADA

Qarax Gaari oo ka dhacay Isgoyska Zoobe.

qarax aad u xoogan ayaa ka dhacay nawaaxiga Isgoyska Soobe ee Magaalada Muqdisho, qaraxaasi oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay. Isgoyska Soobe oo aad u saxmad badan ayuu qaraxan ka dhacay, waxaana wararka ay sheegayaa inuu jiro khasaare kala duwan oo qaraxa ka dhashay. Dhawaqa qaraxa kadib ayaa waxaa la maqlay rasaas xooggan oo ay rideen ciidamada ...

Read More »

DEGDEG: Qarax ka dhacay Muqdisho.

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho gaar ahaan Isgoyska Soobe  ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay Qarax. Qaraxa ayaa ahaa Mid xooggan oo laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir. Wixii kusoo kordha kala soco RadioCadaado.com

Read More »

SAWIRRO: Dab ka kacay xarun ku taalla Cadaado.

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Cadaado ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka kacay dab geystay Khasaare hantiyadeed. Dabka ayaa ka kacay Kaalin Shidaal oo ku taalla Magaalada, waxaana la sheegay in uu ku faafay meelo kale oo ganacsi oo xaruntaasi ka agdhawaa. Dabka ayaa la damiyay hadda intiisa badan,waxaana ku guuleystay ...

Read More »

Xidig dhanka ciyaaraha ah oo hoggaaminaya doorashada madaxweynaha Liberia.

Natiijada hordhaca ah ee doorashada madaxweynenimada Liberia waxay muujinaysaa in uu hogaanka hayo George Weah oo horay u soo noqday xidig dhanka ciyaaraha ah. Natiijada guddiga qaran ee magaciisa loo soo gaabiyo NEC ayaa muujinaysa in George Weah uu hoggaaminayo 11 deegaan oo ka mid ah 15ka deegaan ee la tiriyay, inkastoo codadka intooda badan aan wali la tirinin. Joseph ...

Read More »

Sawiro Dhismaha Wadada Gaalkacyo ilaa Hobyo oo Shaqadeeda Xili Habeen ah Socota Qeyb 2 aad Hormarka la sameeyay

Waxaa wali si habsami ah u socota Dhismaha Wadada isku xirta Gaalkacyo ilaa Hobyo oo hada la gaaray goobo muhiim ah, Dhismaha wadada ayaa la jibaaray kadib markii Roobab xoogan ay halkaasi ka da.een kuwaasi oo sahlay in Biyo badan la helo, Booyadaha ka shaqeeya Dhismaha wadada ayaa helay goobo dhow oo biyaha kasoo qaadaan kadib markii dhoor meel ay ...

Read More »

QM iyo Midowga Afrika oo ka wada hadlay xoojinta ammaanka Soomaaliya.

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay Arrimaha Soomaaliya Amb. Micheal Keating iyo Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya Francisco Caetano Madeira ayaa kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Kulanka oo sidoo kale ay qeyb ka ahaayeen saraakiil kale oo ka kala socotay Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika, socdayna mudo saacado ah ayaa waxaa looga hadlay ...

Read More »

Warar ku saabsan Sarkaal lagu dhaawacay Muqdisho.

Koox hubeysan ayaa saakay weerar ku qaday Gaari uu watay C/laahi Shiikh Cumar oo la sheegay in uu yahay sarkaal ka tirsan Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dowladda Federaalka. Weerarka ay ku qaadeen Kooxda hubeysan sarkaalkan ayaa waxaa ka soo gaaray dhaawac fudud, waxaana dhaawiciisa loo qaaday mid ka mid ah Isbitaalada ku yaalla magaalada Muqdisho, si halkaasi loogu dabiibo. ...

Read More »

Wararkii ugu dambeeyay shirka Kismaayo.

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa maalinkii labaad ka socda shirka Madaxda maamul goboleedyada, kaasi oo xalay ka furmay Guriga Martida ee Jubbaland. Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa shirkan furay, waxaana goob joog ka ah Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas), kan koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo ...

Read More »

Taliyaha CXDS oo gaaray degaanka Bariire.

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Generaal Maxamed Axmed Jimcaale “Cirfiid” ayaa gaaray degaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose , halkaasi oo maalmihii lasoo dhaafay Al-Shabaab ay Weeraro kala duwan ay ku qaadaayeen. Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa taliyaha kusoo dhaweeyay degaanka Bariire ee Shabeelaha Hoose, waxaana uu tagay Saldhigga Ciidamada dowladda ee halkaasi ku yaalla. Generaal Cirfiid ...

Read More »