BARNAAMIJYADA

Baarlamaanka Soomaaliya oo berri kulankoodii labaad yeelanaya

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in berri oo Sabti ah ay yeeshaan kulankoodii 2aad ee kalfadhiga koowaad iyadoo kulankaasina ay shir guddoomin doonaan guddoomiyaasha kumeelgaarka ah ee ah kuwa ugu da’ada weyn labada gole. Kulankaan ayaa dhici karta in laga soo saaro guddiga doorashada guddoomiyaha baalamaanka iyo ku xigeenadiisa iyo weliba guddiga doorashada Madaxweynaha Soomaaliya. Warar ku dhowdhow baarlamaanka ayaa ...

Read More »

Cumar C/rashiid oo la kulmay Xildhibaanada laga soo doortay Galmudug (Sawirro)

Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa shalay kulan ah la qaatay Xildhibaanadda labada Aqal ee dhawaan laga soo doortay deegaanadda Galmudug, Kulankan ayaa ka qeyb ka ahaa kulamada Musharaxiinta Madaxweynaha ay la qaadanayaan Xildhibaanada labada Aqal ee laga soo doortay deegaanada maamul goboleedyada. Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid ayaa ka codsaday Xildhibaanada laga soo doortay Galmudug inay taageeraan barnaamijkiisa Siyaasadeed, maadama ...

Read More »

War Deg Deg ah:- Mid kamid ah Ergadii Galmudug wax ku Doortay oo Caawa lagu dilay Muqdisho

Koox Hubeysan ayaa Caawa Nin Oday ah oo lagu Magacaabo Nabadoon Axmed Dhoore oo kamid ahaa Ergadii tagtay  Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG ah ee Galmudug,waxna ka soo doortay Xubnaha Aqalka Hoose  Salaadii Cishaha ku Dishay Masaajidka weyn ee Degmada Heliwaa ee Gobolka banaadir. Goobjoogeyaal ayaa sheegay in ay baxsadeen Kooxda Dilka Geysatay,waxaana halkaas tagay Ciidan ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya ...

Read More »

Maraykanka oo uga digey Musuqmaasuq muwaadiniinta Somali Maraykanka ah

Dowlada Maraykanka ayaa uga digtey muwaadiniinta Somali Maraykanka ah ee ka qeybgalaysa doorashooyinka dalka Soomaaliya inay ku lug yeeshaan musuqmaasuq. Qoraal kooban uu soo dhigay barta twitter-ka Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in sharciga Mareykanka uu dhigayo in muwaadiniinta Mareykanka ay ku sugan meel ka baxsan dalka lagu ciqaabi karo haddii ay ku lug yeeshaan xaalado musuq maasuq ...

Read More »

Baarlamaanka cusub oo loogu baaqay inuu baabi’iyo go’aanadii Madasha

Baarlamaanka cusub ee Federaalka Soomaaliya ayaa loogu baaqay inuu baabi’iyo dhamaan go’aamadii Madasha Wada-tashiga Qaran ay gaartay, kaddib markii shalay uu si rasmi ah ula wareegay talada dalka. Baarlamaanka labada Aqal ayaa lagu wadaa inuu dib u eegis ku sameeyo go’aanada qaar ee ay gaareen oo loo arkay in aanay aheyn kuwo dastuur ah. Warar la helayo ayaa sheegaya in ...

Read More »

Ciidamada booliska oo adkeynaya amaanka Muqdisho inta doorashooyinka socdaan

Taliska ciidamada booliska gobolka Banaadir ayaa sheegay iney adkeynayaan amaanka magaalada Muqdisho inta lagu gudo jiro doorashooyinka, gaar ahaan doorashada madaxweynaha iyo hogaanka baarlamaanka. Jeneraal Bishaar Abshir Geedi, oo ah taliyaha ciidamada booliska gobolka Banaadir ayaa sheegay iney isku diyaariyeen adkeynta amaanka inta loo diyaar garoobayo doorashada gudoonka baarlamaanka Soomaaliya. Isgoysyada magaalada Muqdisho ayaa la geeyay ciidamo badan oo boolis ah, kuwaasi ...

Read More »

DAAWO SAWIRADA DHAGEYSO;- Dadka indhoola yaasha cadado oo deeq lacaga lasoogaasiiyay

Dadka naafadaa ee ku nool magaalada cadaado ayaa waxaa lasoogaasiiyay maant deeq lacaga Waxaan soogaasiiyay Dad mutadawiciin oo kasoojeed deegaanada galmudug waxaan qofkiib lasiiyay lacag gaaraysay 500 oo shilin soomaaliya lacagtaan Afayeemka Dadka naafadaa Ee magaalada cadaado mahad xasan maxamed Ayaa kawar bixiyay deeq daan maanta lasoogaarsiiyay maanta Asagoon kamahad coliyay Sidoo kale mid kamida dadka Wax garadkaa ee deeqdaan ...

Read More »

Sawirro: Ugaasyo iyo Salaadiin Soo gaaray Cadaado si ay u soo xulaan Egada Doorashada 2016

Cadaado( Radio Cadaado):-Maanta waxaa soo gaaray magaalada cadaado Wafdi balaaran oo isugu jira Ugaasyo, Salaadiin iyo Nabadoono Beelaha Dega Dowlad goboleedka Galmudug, Duubabkan ayaa u yimid Cadaado sidii ay  soo xuli laheeyeen ergooyinka dooranaya xildhibaanada Barlamaanka Soomaaliya qeybta deeganada Galmudug. Wafdigaan ayaa waxaa si diirran usoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Cadaado wasiiro xildhibaano katirsan Dowlad goboleedka Galmudug, gudiga doorashooyinka dadban Galmudug, maamulka ...

Read More »