Arimaha Bulshada

Guddiga Doorashada Somaliland oo waqti ku kordhiyay xilliga codeynta

Guddiga doorashada Somaliland ayaa sheegay in waqtiyo dheeri ah lagu daray goobaha doorashada iyadoo lagu waday in lixda maqribnimo albaabada loo laabo balse guddiga doorashada ayaa sheegay in inta qof uu joogo codeynayo in aan la xiri doonin goobaha doorashada. Shir jaraa’id oo uu magaalada Hargeysa ku qabtay afhayeenka guddiga doorashada Somaliland Siciid Cali Muuse ayuu ku sheegay in doorashadu ...

Read More »

Xildhibaanada Baarlamaanka oo ansixiyay dhismaha Guddiga la dagaalanka Musuq maasuqa

Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta meel mariyay Hindise sharciyeedka dhismaha Guddiga madax banaan ee la dagaalanka Musuq maasuqa, kaasoo horay u soo jeedisay Xukuumadda. Dhismaha Guddigan ayaa gacan ka geysan doona la dagaalanka musuq maasuqa oo ah waxyaabaha ugu weyn ee ragaadiyay dowladda, isla markaana horay u jireen Kiisas musuq maasuq ay ku lug yeesheen Mas’uuliyiin, kuwaasoo ...

Read More »

Wasaaradda A. Dibadda Somalia oo ku amartay Danjirihii Imaaraadka Carabta inuu xilka wareejiyo

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku amartay Danjirihii Soomaaliya u fadhiyay Imaaraadka Carabta C/qaadir Shiikhey inuu xilka wareejiyay, kaddib is bedel lagu sameeyay. Warqadan oo ku taariikheysneyd 24-kii bishii hore ee October ayaa ka mid aheyd warqado loo kala diray Safiirada illaa 8 dal oo dhowaan la bedelay, hase ahaatee qaarkood la sheegay inay ku ...

Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo lagu wado in dhowaan safar caafimaad dibadda u aado

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in dhowaan safar caafimaad dibadda u aado, sida ay sheegayaan warar lagu kalsoonaan karo. Sida wararku sheegayaan baaritaanka caafimaad ee Madaxweynuhu dibadda ku tagayo ayaa la hadal hayay bilo ka hor. Wararka ayaa intaa ku daraya in Madaxweynuhu uu aadi doono dalalka Mareykanka iyo Turkiga midkood uu baaritaan ...

Read More »

Mareykanka oo weydiistay AMISOM inay sii joogaan Soomaaliya, taageerana u balanqaaday

Iyadoo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ay bishii August ee sanadkan isku raaceen in dhamaadka bisha December laga soo saaro Soomaaliya illaa 1,000 askari oo ka tirsan Howl galka AMISOM, ayaa waxaa tallaabadaas ka hor-yimid Mareykanka oo sheegay in aanay xilligan aheyn waqtigii AMISOM ka bixi lahaayeen Soomaaliya, xilli uu sii kordhayo qatarta Argagixisada ee Geeska Afrika. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ...

Read More »

Al-Shabaab Oo Sheegtay In Ay La Wareegeen Deegaano Hoostaga Degmada Balcad

Faah faahino dheeraad ah ayaa kas oo baxaya dagaal ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab ku dhex maray duleedka degamda Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe. Dagaalka ayaa yimid kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku soo qaaden fariisinka Ciidanka dowladda ee deegaanada Baqdaad,Alfoow  Basra Daniga Baaloow iyo Gaalgube oo u dhexeeya degmooyinka Balcad iyo Afgooye. Al-Shabaab ayaa Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka waxa ...

Read More »

DEG DEG:-Dagaal Culus Oo Ka Socda Duleedka Degmada Balcad

War Goordhow Radio Cadaado  ka soo gaaray degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa waxa uu sheegayaa in duleedka degmadaas uu dagaal haatan ka socdo. Dagaalka ayaa waxa uu sigaar ah uga socdaa deegaanada kala ah Baqdaad,Alfoow iyo Gaalgube oo u dhexeeya degmooyinka Balcad iyo Afgooye, halkaas oo ay ku sugan yihiin Ciidanka dowladda Soomaaliya. Dagaalka ayaa yimid kadib markii ...

Read More »

Sawirro:-Jubbaland Oo Maxkamadeyneysa Askarigii Puntland Ku Dhibaateeyay Gabadhii 14 Jirka Aheyd

Maalma ka hor ayaa Ciidamada Sirdoonka Maamulka Jubbland waxa ay Magaalada Kismaayo ka qabteyn Askarigii Gabadha 16 Jirka aheyd ku dhibaateeyay Magaalada Boosaaso. Ka hor qabashada Cabduqaadir Warsame oo ka tirsan Ciidamada Badda Puntland waxaa baraha ay isticmaasho Bulshada lagu hadal hayay Kufsiga iyo dhaawaca uu u geystay Faa’izo oo ah Gabar 16 jir ah Caduweli Maxamed Cali Gaas ayaa ...

Read More »

Kulan La’isku Mari La’yahay Oo U Socda Shariif Xasan Iyo Xildhibaanada Koonfur Galbeed

Xarunta Madaxtooyada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa weli kulan uga socdaa Xildhibaanada Maamulkaas iyo Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan. Sigaar ah Shariifka ayaa waxa uu kulan la leeyahay xildhibaanadii ka keenay mooshinka ee gaaraya sida ay xogta ku helnay ilaa 90 Mudane. Kulanka ayaa waxaa looga hadlayaa sidii xal looga gaari lahaa mooshinka ...

Read More »

Qarax Labaad oo ka dhacay Muqdisho.

Qarax Labaad ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho ka dib Qarax xooggan oo Saacad ka hor ka dhacay Hoteelka Naasa Hablood ee degmada Xamarweyne. Qaraxa labaad ayaa waxaa uu ahaa Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa oo lasoo dhigay Agagaarka daljirka Dahsoon ee Magaalada Muqdisho. Ciidamada Ammaanka ayaa la sheegay in ay ka war hayeen Qaraxaasi,islamarkaana ay dadka Shacabka kaga digeen ...

Read More »