Arimaha Bulshada

Ciidamo gadoodsan oo xirey qaar ka mid ah wadooyinka Muqdisho

Ciidamo gadoodsan ayaa la sheegay inay xireen qaar kamid ah wadooyinka magaalada Muqisho gaar ahaan isgoyska mashquulka badan ee Zobbe, KM4 iyo wadooyinka ku dhow dhow. Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamadan ka tirsan Militariga dowladda Federalka Soomaaliya ay ka cabanayaan mushaar la’aan. Ciidanka qaar ayaa la sheegay in ay ku sii fidayaan deegaano kale oo ka mid ah ...

Read More »

Alshabaab oo biyo dhaamin ka sameeyay gobolka Mudug iyo Sh/hoose

Wararka ka imanaya deegaano ka mid ah gobolada Mudug iyo Sh/hoose ayaa sheegaya in Ururka Alshabaab uu ka bilaabay qaar kamid gobolada ay maamulaan inay biyo u qeybiyaan  deegaano iyo tuulooyin ay ka jiraan abaaro daran. Maamulka Al Shabaab ee gobolada Mudug iyo Shabeelaha Hoose ayaa bilaabay in biyo dhaamin ay u sameeyaan dadka ku dhaqan deegaanada miyiga ay saameeyeen ...

Read More »

Ra’iisul Wasaaraha oo amray in la bixiyo mushaarka Shaqaalaha dowladda ee bisha Janaayo

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa amar ku bixiyay in la bixiyo mushaarka shaqaalaha dowladda ee bisha Janaayo ee sanadkan. Warqad Ra’iisul Wasaaruhu u qoray Sii Hayaha Wasiirka Maaliyadda iyo Xisaabiyaha Guud ayaa lagu sheegay in shaqaalaha dowladda la siiyo mushaarka bisha Janaayo, lagana jaro, lacago qoondo ah oo loogu tala galay abaaraha. Shaqaalaha dowladda ayaa wax mushaar ...

Read More »

Howl gal cir iyo dhul ah oo ka dhan ah Al-Shabaab oo ka bilaabanaya Jubbooyinka

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya inuu socdo diyaar garow dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, iyadoo maamulka Jubbaland uu ku dhawaaqay in maalamaha soo socda uu bilaaban doono howl gal ballaaran oo Al-Shabaab looga saarayo deegaanada Jubbooyinka. Howl galkan oo muddooyinkii u dambeeyay diyaar garowgiisa laga dareemayay magaalada Kismaayo ayaa la sheegay inuu yahay ...

Read More »

Dag Dag: Gudiga Qaban Qaabada Doorashada Madaxwaynaha Oo Kudhawaaqay Xiliga Ay Dhacayso Doorashada Madaxwaynaha Galmudug

Xildhibaan Maxamed Saciid Xasan Geele Oo Ah Gudoomiyaha Gudiga Qaban Qaabada Doorashada Madaxwaynaha Ayaa Wareysi Gaara Oo Uu Siiyay Radio Cadaado Waxaa Uu Kaga Hadlay Xiliga Ay Dhacayso Doorashada Madaxwayanaha Galmudug.Xildhibaan Maxamed Saciid Ayaaa Sheegay Inay Dhacayso Doorashada Madaxwayanah Galmudug 19 Bishaan, Xildhibaan Maxamed Saciid Waxaa Sidoo Kale Uu Kahadlay Arimo Dhowra Hadaba Halkaan Hoose Kadhagayso Wareysiga Oo Dhamaystiran

Read More »

Prof. Dufle oo ka bad baaday qarax lagula eegtay goob ku dhow xaruntiisa caafimaad

February 1 (Jowhar)— Prof. Cusmaan Maxamuud Dufle oo ka tirsan Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa maanta barqadii ka bad baaday qarax lagula beegsaday meel ku dhow xaruntiisa caafimaad oo ku taal xaafada Taleex ee degmada Hodan. Qaraxa ayaa dhacay, xilli uu saarnaa gaarigiisa, isla markaana sii galayay xaruntiisa caafimaad ee uu dadka bukaanada ku daweeyo. Wararka ayaa sheegaya in miinada la geliyay ...

Read More »

Muxuu noqon karaa go’aanka Maxkamada Caalamiga ee dacwada Badda ?

February 1 (Radio Cadaado):— Maxkamada Caalamiga ah ee fadhigeedu yahay magaalada Hague ee dalka Holland ayaa maalinta Khamiista ah ee 2da February go’aan ka gaareysa dacwada Badda ee Soomaaliya iyo Kenya. Haddaba maxaa laga filan karaa inuu go’aanku noqdo? Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa dacwada u gudbisay Maxkamada Caalamiga ah ka dib markii ay Kenya bilowday shidaal qodid oo shirkado ajaanib ...

Read More »

Kenya oo sheegtay in dagaalyahano Tanzanian iyo Kenyan ka qeyb qaateen dagaalkii Kulbiyow

February 1 (Radio Cadaado):— Dowladda Kenya ayaa sheegtay in dagaalyahano Tanzanian iyo Kenyan ah oo ku biiray Al-Shabaab ka qeyb qaateen weerarkii jimcihii la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Kulbiyow, halkaasoo saldhig ciidan ay ku lahaayeen Ciidamada Kenya. Mas’uuliyiin ka tirsan Kenya ayaa sheegay inay raggii fuliyay weeraradii is-miidaaminta ay ku hadlayeen luqada sawaaxiliga, qaraxyada kaddib ay xerada soo weerareen ...

Read More »

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Jubbaland oo lagu xiray Kismaayo

February 1 (Radio Cadaado)— Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Jubbaland  oo lagu magacaabo Shuceyb Ibraahim ayaa lagu xiray magaalada Kismaayo, iyadoo ay soo baxayaan xurguf siyaasadeed oo u dhaxeysa Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Xildhibaanada Baarlamaanka. Sida ay sheegayaan wararka Xildhibaanka ayaa lagu xiray xabsi ay leeyihiin Ciidamada Nabadsugida Jubbaland oo ah ciidamada ugu awooda badan ee Kismaayo ka howl gala. Mid ...

Read More »

Al-Shabaab oo baahiyay magaca mid ka mid ah raggii fuliyay weerarkii Xerada Kulbiyow

February 1 (Radio Cadaado)— Al-Shabaab ayaa soo bandhigay magaca iyo heybta mid ka mid ah raggii fuliyay weerarkii is qarxinta ahaa ee jimcihii la soo dhaafay ka dhacay xero ciidamada Kenya ku lahaayeen deegaanka Kulbiyow ee Gobolka Jubadda Hoose. Idaacada Andalus ee ku hadasha afka Al-Shabaab ayaa sheegay qofkii fuliyay weerarkii is qarxinta ahaa lagu magacaabo Feysal Yuusuf Aadan, oo ...

Read More »