Arimaha Bulshada

DHAGEYSO;Baraamijka Sahanka Dunida

Dhageystayaasha ku xiran Website-ka  radiocadaado.com waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijkii Sahanka Dunida  Radio Cadaado. Barnaamijka oo dhameystiran waxaa halkaan idin kaga soo jeedin doona:-Xasan Ahmed Mohamed  Farsamada:-Jile Jaamac Jile  soosare Jile Jaamac Jile        

Read More »

Doorashada Xubnintii Xildhibaanimo Ee Uu Waayay Sambaloolshe Oo Beri Ka Dhaceysa Jowhar

Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle ayaa lagu wadaa in Maalinta Berito ah oo ku beegan 27/1/2018 lagu qabto doorashada Kursiga xildhibaanimo ee uu waayay Cabdullaahi Maxamed Cali Sambaloolshe oo ahaa taliyihii Ciidanka Nabad-Sugida Soomaaliya. Kurigaan ayaa taliye Sambaloolshe waxa uu ku waayay kadib markii uu noqday taliyaha ciidanka Nabad-Sugida,waxana la filayaa in uu mar kale u tartamo Xubinta Xildhibaanimo ...

Read More »

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Canada

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ka qeyb galaya shirka Dhaqaalaha Adduunka ee ka socda Davos ayaa kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau Labada Ra’iisul Wasaare ayaa isku arkay Munaasabad casho aheyd oo loo sameeyay madaxdii ka soo qeyb gashay shirka dhaqaalaha Adduunka, waxaana ay yeesheen kulan istaag ahaa. Mr Kheyre ayaa qoraal uu soo dhigay barta Twitter-ka ...

Read More »

Guddoomiyaha cusub ee G/Banaadir Eng. Yariisow iyo Guddoomiyihii xilka laga qaaday oo kulmay

Waxaa caawa la soo afjaray xiisadii maalmahan ka taagneyd Gobolka Banaadir ee ka dhalatay khilaafkii arrimaha maqaamka Caasimadda, taasoo uu xilka ku waayay Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed. Xubno isugu jiray Wasiiro, Taliyeyaal, iyo Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Eng. C/raxmaan Yariisow ayaa caawa gurigiisa ku booqday Guddoomiye Taabid Cabdi, waxaana dhex maray kulan uu albaabada u xirnaa. Kulankan ...

Read More »

Dhagayso: Banaanbax Lagu Xusayo Bishii Uu Dhashay Nabi Muxamed NNKH Oo Cadaado Bari Lagu Qaban

Xili Bari Ay Kubeegantahay Kowda Bisha Rabiicul Awal Ahna Bishii Uu Dhashay Nabi Muxamed NNKH Ayaa Cadaado Waxaa Lagu Wadaa Inuu Kadhaco Banaanbax Lagu Weynaynayo Dhalashada Rasuulka Scw Banaan Baxa Waxaa Sooqab Qaabiyey Ururuka Midnimo Ee Dhalinyarada Ehlu Suna Wal Jameeco. Xoghaya Ururuka Dhalinyarada Ehlusuna Ee Dagmada Cadaado  Mahdi Xuseen Maxamuud Ayaa Radio Cadaado Uga Warbixiyay Banaan Baxa Bari Kadhici ...

Read More »

Dhageyso:-Wasaaradda Amniga oo u digtay Dad abuuraya qalqal amni

Kulankii Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ee Khamiislaah ee shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa ku shaaciyay Wasiir Ducaale in dowladda Soomaaliya ay dardar gelin doono sugida amniga dalka. Waxa uu soo hadal qaaday warar uu sheegay in ay yihiin kuwo been abuur ah oo lagu qalqal gelinayo amniga dalka in ay jiraan dad faafinaya. Waxa uu digniin u diray Wasiirka ...

Read More »

Dhageyso:-Magacaabista Golaha Wasiirada Hir-Shabeelle oo leysku khilaafsan yahay

Shalay ayuu qorshuhu ahaa in Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare uu soo Magacaabo Goolihiisa Wasiirada balse uu dib-udhac ku yimid kadib markii la isku khilaafay. Hadaba maxa uu salka ku hayaa khilafkaas waxaa ka hadlay  Xildhibaan Cqaadir Faarax Shuute oo ka mid ah Xildhibaan Hirshabeele. Waxa uu sheegay in Madaxweyne Waare uu doonayo in Golaha Wasiirada uu ka soo ...

Read More »

Madaxweynaha Dowladda Galmudug oo Odayaasha Dhaqanka kala hadlay xoreynta deegaanada…

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa Maanta gurigiisa waxa uu qado ugu sameeyay qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda deegaanada Galmudug. Madaxweyne Xaaf ayaa  kala hadlay Odayaasha Dhaqanka xoreynta deegaanada Galmudug oo uu sheegay in koldhaw la xoreyn doono deeganada u dhaxeeya galcad Iyo xarardheere ilaa ceeldheer oo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab. Madaxweynaha ayaa ...

Read More »

Wasiirka Amniga Ducaale oo ka qeybgalaya shir looga hadlayo amniga oo ka furmay Kismaayo

Wasiirka Wasaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federalka ah ee Soomaaliya Maxamed Abuukar Ducaale Islow ayaa gaaray magaalada Kismaayo gelinkii dambe ee maanta iyadoo shirk u saabsan amniga uu maanta ka furmay Kismaayo. Shirkaan oo ay ka qeyb galeen Wasaarada Amniga dowlada Federalka, Wasiiru Dowlayaasha Wasaaradaha Amniga Dowlad goboleedyada Dalka,Guddoomiye kuxigeenka Amniga gobolka Banaadir,Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska, QM iyo AMISOM ...

Read More »

Adeegyada Baraha Bulshada oo laga jaray deegaanada Somailand

Guud ahaan deegaanada Somaliland ayaa hawada laga saaray adeegyada internetka  ee ay bulshada ku wada xiriirto sida Facebook,Twitter,Viber,Imo iyo qaar kale kadib markii ay soo dhamaatay doorashada maanta ay u dareereen shacabka Somaliland. Shirkadaha bixiya adeegyada Internetka sida Telesom, Somtel iyo Somcable ayaa jaray adeegyadaasi kadib markii ay ka codsadeen guddiga doorashooyinka Somaliland. Ka saarista hawada Baraha Bulshada ayaa timid ...

Read More »