Arimaha Bulshada

Xaalad Caafimaad darro oo lasoo deristay dadka kunool deegaanka Baxdo ee Gobolka Galgaduud

BAXDO(Radio Cadaado):- Wararka naga soo gaaraya deegaanka Baxda ee Gobolka Galgaduud ayaa kusoo waramaya iney halkaa ka taagan tahay xaalad nolol xumo iyo caafimaad darro haysata dadka shacabka ah ee kunool deegaankaasi. Xaalad adag oo dhanka caafimaadka ah ayaa ka taagan deegaanka Baxdo oo aan lahayn Xarumo Caafimaad isla markaane aysan joogin Hay’addo dadka shacabka ah ka caawiya dhanka adeegyada ...

Read More »

Dab khasaare geystay oo xalay ka kacay Dekedda Magaalada Berbera

BERBERA(Radio Cadaado):-Dab xoog leh ayaa xalay ka kacay Dekedda Magaalada Berbera,Dabka ayaa yimid kadib markii uu Qarxay Konteenar yaalla Barxada lagu Kaydiyo Konteenarada ee Dekedda Magaalada Berbera. Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Soomaaliland oo ka hadlay dhacdadan ayaa sheegay in Konteenarka Qarxay uu siday (ACID) taasine ay dhalisay Qarax walow aysan si faah faahsan uga hadlin Arintan oo Cabsi iyo Argagax ...

Read More »

Maxkamadda Ciidamada oo xukun dil ku riday ninkii dilay Wasiirkii Howlaha Guud (Sawirro)

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa saaka xukun dil ah ku riday  Axmed C/llaahi Cabdi oo lagu helay inuu dilay Wasiirkii howlaha Guud iyo Guriyeynta Marxuum Cabaas Siraaji. Dhageysiga Kiiskan oo todobaadkii hore la soo gaba gabeeyay, markii maxkamaddu dhageysatay marqaatiyaasha iyo qirashada ninkan lagu helay dilka ayaa ugu dambeyn saaka riday xukunka. Ninka xukunka dilka lagu fuliyay oo ahaa askari ...

Read More »

Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika oo ka hadlay Xiisada Jabuuti iyo Eritrea

Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika ayaa ka hadlay xiisada ka soo cusboonaatay dalalka Jabuuti iyo Eritrea, kaddib markii Ciidamada Eritrea ay qabsadeen dhulka lagu muransan yahay ee xuduuda labada dal ay wadaagaan. Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay in xiisada u dhaxeysa dalalka Khaliijka ay sababtay inuu dib u cusbnaado khilaafkii dhanka sohdimaha ee u dhaxeeyay dalalka Eritrea ...

Read More »

Dagaal xooggan oo xalay ka dhacay Baardheere, Al-Shabaab oo weeraray xero ciidan

Dagaal xooggan oo saacado socday ayaa xalay ka dhacay degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, kaddib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen xero ciidan ay lahaayeen Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howl galka AMISOM. Weerarka ayaa ku bilowday madaafiic iyo baasuukayaasha garbaha laga rido, iyadoo kaddib uu bilowday dagaal fool ka fool ah oo labada dhinac isu adeegsadeen hubka ...

Read More »

DAAWO: Mooshinkii laga keenay Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo laga laabtay

Qaar kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabeelle oo dhowaan ka gudbiyay mooshin guddoomiyaha  baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Maxamed Barre ayaa ku dhowaaqay in ay dib ula laabteen mooshinkii ay ka gudbiyeen guddoomiyaha baarlamaanka. Xildhibaan Cabdulaahi Maxamed Caddow oo u hadlay xildhibaanadii ka gudbiyay mooshinka guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay in ay dib ula laabteen mooshin ay saxiixeen 39 xildhibaan iyagoo ...

Read More »

Ciidamada Amniga oo feejignaan sare la geliyay, kaddib weerarkii xalay (Sawirro)

Ciidamada Ammaanka ayaa feejignaan sare ah la geliyay, iyadoo si aad ah u adkeeyay ammaanka inta badan magaalada Muqdisho, iyadoo wado kasta iyo ciidan noqotay. Waddooyinka waa weyn iyo waddooyinka yar ee loo yaqaano jid cadayaasha ayaa dhamaan ciidamo la dhigay, kuwaasoo dadka iyo gaadiidka baaritaan ku sameynayay. Ciidamada Xasilinta Amniga Muqdisho ayaa lagu arkay xaafado dhowr ah oo gaadiidka ...

Read More »

Madaxweynaha Puntland oo furay kalfadhigii 39aad ee Baarlamaanka Puntland

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta furay kalfadhigii 39aad ee Baarlamaanka maamulkiisa, isagoo xariga ka jaray dib u dayactir lagu sameeyay xaruntii golaha wakiilada Puntland ee magaalada Garowe, kaasoo lagu sameeyay dib u dayactir qaab casri ah loo dhisay. Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Puntland ay muddo hiigsaneysay in la sameeyo nidaamka xisbiyada ...

Read More »

Kulankii Golaha Wasiirada oo looga hadlay khasaarihii weerarkii xalay ee Pizza House

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, kaasoo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, iyadoo kulankan looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin Amniga dalka iyo weerarkii kooxaha argagixsadu ay ku qaadeen maqaayadda Pizza House oo kamid ah goobaha ay ku caweeyaan shacabka Muqdisho. Ugu horeyn Wasiirka Amniga ayaa golaha warbixin ka siiyey ...

Read More »