Arimaha Bulshada

Xildhibaanada Golaha shacabka oo maanta ka doodaya qaraarkii Xukuumadda ee Arrinta Qalbi Dhagax.

Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta kulan xasaasi ah ku leh magaalada Muqdisho, iyagoo ka doodaya qaraarkii Xukuumadda ka qaadatay dhiibidii Sarkaalkii ka tirsanaa ONLF oo bishii hore dowladda Soomaaliya u gacan gelisay Itoobiya. Kulankii Sabtidii la soo dhaafay ayaa kooram la’aan u baaqday, waxaana kulanka maanta oo Arbaco ah lagu wadaa in kooramka uu ...

Read More »

Wariye ku dhaawacmay qaraxii Beledweyne oo geeriyooday.

 Waxaa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday Wariye C/llaahi Cismaan Macalin oo u shaqeynayay Telefishinka Jubbaland, kaasoo ku dhaawacmay qaraxii maalmo ka hor ka dhacay magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan. Wariyahan oo dhaawiciisa aad u cuslaa ayaa loo soo qaaday magaalada Muqdisho, waxaa la dhigay isbitaalka Recep Tayyib Erdogan Ex Digfeer. Dhaqaatiirta Isbitaalka ayaa horay u sheegay in dhaawiciisa aan waxba ...

Read More »

DAAWO SAWIRADA:- Wafdi ka socday Dowladda UK oo gaaray Baydhabo.

Magaalada Baydhabo ee xaurnta gobolka Baay maanta waxaa gaaray wafdi uu hoggaaminayo safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya David Concar. Wafdiga waxaa garoonka Diyaaradaha Shaati-guduud ku soo dhaweeyay Wasiiro, Xildhibaano iyo xubno kale, kadib waxaa loo galbiyay Madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed, halkaasi oo uu kula kulmay Madaxweyne Shariif Xasan. Kulanka ay wada yeesheen Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh ...

Read More »

Kooxo Hubeysan Oo Caawa Haweeney Ku Dilay Degmada Yaaqshiid.

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Kooxo hubeysan oo Caawa qeybo ka mid ah Xaafada Toowfiiq ee degmada Yaaqshiid ku dilay Qof Haweeney ah. Dilka ayaa sigaar ah waxa uu uga dhacay halka lagu Magacaabo Siliga waxaana Kooxo hubeysan ay dhowr Xabadood sida la sheegay ku dhufteen haweeneydaas taas oo ay u geeriyootay, sida uu radiocadaado u sheegay ...

Read More »

Turkiga oo Ruushka ka soo iibsanaya gantaallada difaaca.

Dawladda Turkiga ayaa sixiixday heshiis muran dhaliyay oo ay Ruushka kaga soo gadanayso lidka diyaaradaha ee S-400, si ay ugu xoojiso ciidammadeeda. Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in dalkiisu uu bixiyay carbuunta heshiiskan oo lagu qiyaasay 2.5 bilyan oo doolar. Turkiga ayaa leh ciidammada labaad ee ugu badan ee Gaashaanbuurta Nato, dalalka xulafada ku jirana waxaa lagu booriyay in ...

Read More »

Sawirro Masuuliyiin Ka Tirsan Galmudug Oo Booqday Deegaanada La Isku Horfadhiyo Ee Bariga Gobalka Mudug.

Wafdi balaaran oo uu horkacayo madaxwayne ku xigeenka galmudug maxamed xaashi cabdi carabey ayaa gaaray deegaano dhaca bariga gobalka mudug oo ay dhawaan ka dheceen dagaalo u dhexeeya malayshiyaad kasoo kala jeeda galmudug iyo puntland Deegaanada ay booqdeen masuuliyiintaan ka tirsan galmudug  ayaa waxaa ka mid ah sarjimaale,jeexdin,gacmafale iyo deegaana kale oo hoostaga deegaanka godod oo dhaca waqooyi bari gobalka ...

Read More »

Sawirro Layaab leh Hooyo Soomaaliyeed iyo wiilkeeda oo muddo 3 sano Ah Darbi Jiif ku ah Wado ku taal Magaalada London.

Hooyo Soomaali iyo wiilkeeda oo hoy la’aan ah ayaa darbi jiif ku ah waddo ku taal magaalada London ee dalka Ingiriiska, kaddib markii laga soo saaray guri ay degenaayeen. Hooyadan iyo wiilkeeda ayaa muddo saddex sano hoy la’aan ah, waxaa gurigii ay degenaayeen laga soo saaray sanadkii 2014, kaddib markii ay ku guuldareysteen inay iska bixiyaan kiradii guriga. Mid ka ...

Read More »

Maxaa looga hadlayaa kulanka Xildhibanada BF ee berri ?

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri oo Arbaco ah waxa ay yeelan doonaan kulan ajandihiisa uu yahay kiiska Saraalka ONLF ee C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax), sida ay sheegeen Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho. Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa Warbaahinta u sheegay in xildhibaanada loo soo diray fariin qoraaleed loogu sheegayo in uu jiro ...

Read More »

Ciidamada Xasilinta oo gacanta ku dhigay Gaari hubeysan oo weeraro ka fuliyay Dharkeenley

Ciidamada Xasilinta Caasimada ayaa howl gal ay maanta ka sameeyeen degmada Dharkeenley waxay ku soo qabteen Gaari NOAH ah iyo raggii watay oo maalmihii la soo dhaafay falal isugu jira weeraro iyo toogasho ka geysan jiray degmadaas. Gaarigan ayay wararku sheegayaan in saddex ruux lala soo qabtay, oo uu ku jiro darawalkii waday iyo labo nin oo kale oo iyana ...

Read More »

Sawirro:-Maxkamada Darajada koowaad ee Maamulka Galmudug oo Xukun riday

Xukun kaan oo ay Maanta riday Maxkamada Darajada koowaad ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa isugu jira Xabis iyo mid Ganax lacageed ah,kuwaas oo lagu riday ilaa 8 eedeysane. Dadkaan la xukumay ayaa waxaa lagu eedeeyay falal ay ka mid ahaayeen in ay ka Ganacsan jireen waxyaabaha maanka dooriya iyo sidoo kale kuwo jidgooyooyin dhigtay wadada xiriirisa Galkacyo iyo cadaado,kuwaas oo ...

Read More »