Author Archives: admin

Dhageyso:-Gudoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti oo loo sameeyay Xaflad Sagootin ah

Xalay waxaa Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar lagu qabtay Munaasabad lagu sagootinayay Gudoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti Maxamed Cali Xaamud oo todobaadkaan ku sugnaa Magaalada Muqdisho. Munaasabada ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Maamulka gobolka Banaadir,waxaana ka qeybgalay masuuliyiin ay ka mid ahaayeen, ku simaha Madaxweynaha ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ku xigenkiisa Koowaad, Xildhibaano Wasiiro labada Golle ka ...

Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galaya Caleema Saarka Uhuru Kenyatta iyo banaanbaxyo ka socda dalkaasi

Barqada Maanta oo talaado ah ayaa la filayaa in Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ay ka bilaabato Munaasabada Caleemo saarka Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo markii labaad ku guuleystay doorasho dhacday. Madax farabadan oo afkrikaan ah ayaa ka qeybgeli doona Munaasabada Caleemo saarka Madaxweyne Kenyatta waxaana ka mid ah Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Shalay gelinkii dambe gaaray. ...

Read More »

Haweenay 65 Sano jir ah oo lagu dilay Duleedka Magaalada Muqdisho

Kooxo hubeysan ayaa xalay waxa ay degaanka Garasbaaley ee duleedka magaalada Muqdisho ku dileen Haweeney Da’ aheyd, taasi oo lagu dhex toogtay Gurigeeda. Dadka degaanka ayaa waxa ay sheegeen Dableyda dilka geysatay in ay si farsameysan u dileen Haweeneyda, kadibna ay ka baxsadeen goobta, maadaama ay aheyd xilli habeen ah. Siteey Maxamed Aadan ayaa lagu magacaabi jiray Haweeneyda la dilay, ...

Read More »

Dhageyso:-Gudoomiye Jawaari oo baaq u diray Dhalinyarada Soomaaliyeed

Ku simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ahna Gudoomiyaha Baarlamanka dalka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in waqtigaan Dhalinyarada Soomaaliyeed fikir qaldan lagu beeray isla markaana dhibaatoyin farabadan ay heestaan. Waxa uu sheegay in ay jiraan Wadaado Caruurta Soomaaliyeed Maskaxda ka dhuminaya taas bedelkeedana loo baahan yahay in laga hortago. Gudoomiye Jawaari ayaa ugu baaqay Dhalinyarada Soomaaliyeed in ay ka qeyb ...

Read More »

Wafdi uu hogaaminayo Wasiir Cabdi Xoosh oo gaaray Koonfur Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil iyo wafdi uu hogaaminayo oo isugu jira xubno Wasaaradda ka tirsan iyo Guddiga La-socodka dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka ayaa gaaray magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika. Wafdiga ayaa waxaa qaybta VIPda ee Garoonka diyaaradaha ee Johannesburg ku soo dhaweeyay Safiirka Soomaaliya ee Koonfur Afrika, Amb Jamal Barrow. Safarkan shaqo ee qaadan doona ...

Read More »

Taliyihi Qeybta Galbeed Muqdisho oo xilka laga qaaday kadib markii uu u gacan qaaday Taliyaha Booliska

Taliyihii Ciidanka Boliiska Qeybta Galbeed G/le sare  Maxamed Daahir ayaa la sheegay in xilka laga qaaday kadib markii uu feeray ku simaya taliyaha Ciidanka Booliiska  Soomaaliya General Mukhtar Xuseen Afrax . Gacan qaadka ayaa dhacay 4 maalin ka hor markii iyagoo shir ku jira uu Maxamed Daahir ka horyimid awaamir la siiyey oo nabadgelyada caasimada quseeya. Xogaha kale ee aan ...

Read More »

Dhageyso:-Soomaaliya Oo Beenisay In Laga Saaray Tartanka Bariga Iyo Bartamaha Afrika

Maalmihii la soo dhaafay waxa soo baxayay Warar sheegayay in Xidhiirka Kubadda Cagta bariga iyo bartamaha Africa ee CECAFA uu Soomaaliya ka saaray dalalka ka qeyb-galaya koobka Qaramada bariga iyo bartamaha Africa ee sanadkan ka dhacaya dalka Kenya. Tartankaan ayaa waxaa la qaban doonaa 17 Bisha soo socota ee December,Soomaaliya ayaana been abuur ku tilmaamtay wararkka sheegaya in tartankaas laga ...

Read More »

DEGDEG: Uhuru Kenyatta oo ku guuleystay Madaxtinimadda Dalka Kenya

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Kenya, David Maraga ayaa goor dhow ku dhawaaqay inuu Madaxweyne Uhuru Kenyatta ku guuleystay Doorashadii Ku-celiska ah ee dhacday bishii hore ee October 26-dii. Guddoomiyuhu waxa uu sheegay inay Maxkamadda xukmisay inay Sharci ahayd Doorashadii Ku-celiska, oo uu ku guuleystay Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo xilka sii hayn doona Shanta sanno ee soo socota. Guddoomiyaha waxa uu intaasi ku ...

Read More »

Dhageyso:-Khilaafkii Ka Dhashay Magacaabista Golaha Wasiirada Hir-Shabeelle Oo La Xaliyay

Weli Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle waxaa ka socda kulamo wadatashi ah oo u dhaxeeya Madaxweynaha Maamulkaas Maxamed Cabdi Waare iyo Xildhibaanada si loo soo Magacaabo Golaha Wasiirada Hir-Shabeelle. Xildhibaanada iyo Madaxweyne Waare ayaa isku khilafsanaa in xildhibanada laga soo dhex xulo Wasiirada halka Madaxweyne Waare uu shaaciyay in uu banaanka ka keenayo Wasiirada. Xildhibaan Cali Cismaan Ibraahim oo ...

Read More »

Taliska Dhexe Ee Ciiddanka Maraykanka Ee Ka Hawlgala Somalia Oo Loo Soo Wareejiyey Muqdisho

Tirada Ciiddanka Maraykanka ee ku sugan Somalia ayaa la sheegay in aad loo kordhiyey sannadkan, lana gaarsiiyey in ka badan 500 oo Askari. Waaxda Gaashaandhiga Maraykanka ee The Pentagon ayaa sheegtay in boqolaal Askar dheeraad ah u soo daabuleen Somalia, kuwaasi oo Ciiddanka Deegaanka Talooyin ka siinaya Dagaalka lagu jiro Alshabaab iyo Daacish-ta ku sugan Puntland. Afhayeenadda Taliska Milliteriga Maraykanka ka jooga ...

Read More »