Author Archives: admin

Daawo; Xaalad Nolol Xumo Oo Soowajahday Barakacayaasha Kaamka Badbaado

  Halkaani Waa Kaam Badbaado Wuxuu Dhinaca Galbeed Kaxigaaa Cadaado Qiyaas Ahaan 5 Km Waxaa Kunool Dad Barakacayaal Ah Oo Tiradoodu Gaarayso 600 Oo Qoys Kuwaas oo intoodaba badan ka imaadey koonfurta soomaliya waxayna ku nool yahiin Xaalad Adag Dadkaan Oo Isugu Jirey Rag Haween Iyo Caruur Ayaa Ladaalaa Dhacaya Daruufaha Nololsha Ee Kuxandaaban Xiligaan Oo Lagu Jiro Bishii Barkaysanayd ...

Read More »

Soomaaliland Oo Markale Xukun Ku Riday Boqor Buurmadow

Maxkamada Magalada Hargeysa ee Gobolka la yiraahdo Maroodi jeex ayaa markale waxa ay xukun ku riday Boqor Aw Maxamuud Buurmadow oo ka mid ah Salaadiinta Caanka ah deegaanada Maamulkaas. Boqor Buurmadow ayaa horay Maxkamadu waxa ay ugu ridday Xukun 5 Sano ah balse uu racfaan ka qaatay basle maalmihii lasoo dhaafay ay socotay qaadida dacwada kiiskiisa,ugu dambeyna Maanta lasoo gaba ...

Read More »

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliland Oo Loo Diiday In Uu Galo Deegaan Ka Tirsan Puntland

Wararka aan ka heleyno Gobolka Sanaag ayaa waxa ay sheegayaan in Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Maamulka Soomaaliland Ciise Axmed Yuusuf (Ciise Xawar) loo diiday in uu galo Magalada Badhan ee Gobolkaasi Sanaag. Wasiirka ayaa sida aan wararka ku helnay maalmahaan waxa uu ku sugnaa magaalada la yiraahdo Hadaaftimo halkaasi uu kulamo kula qaatay waxgaradka Magaaladaas,balse mar uu doonayey in uu u ...

Read More »

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Ka Warbixiyey Safar Uu Ku Tegay Dalka Turkiga

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa goor-dhow Dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu ka soo qeyb-galay shirkii Wadamada Islaamka ee looga hadlay Arrimaha Falastiin kaa soo ka dhacay Dalka Turkiga. Mudane Mahdi Maxamed Guuleed iyo wafdigii uu hogaaminayay ee halkaasi ugu qaybgalay shirka wadamada Islaamka ayaa kulan la qaatay intii halkaasi ay joogeen ...

Read More »

Dhageyso:-Maxaa Ka Jira In Aan Baladweyne La Gaarsiin Lacagtii Loogu Deeqay Dadkii Ka Barakacay Fatahaadda Wabiga?

Xildhibaan Daahir Amiin Jeezow oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya kana soo jeeda gobolka Hiiraan ayaa ka hadlay gurmadkii kala duwanaa ee loo sameeyey dadkii ka barakacay fatahaada wabiga Shabeelle ee Baladweyne. Xildhibaanka oo ka mid ah guddigii Ra’iisul Wasaare kheyre u Magacaabay fatahaada Wabiyada ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay ka gaabisay wax u qabashada dadkii ka barakacay ...

Read More »

Magalada Baydhabo Oo Laga Mamnuucay Gaadiidka Inay Galaan Xilliyada..

Waxaa siweyn loo adkeeyey Amniga Magalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay,iyada oo Saraakiisha amniga koonfur Galbeed Soomaaliya ay soo saareen ammaro dhanka amniga ku saabsan. Saraakiisha ayaa mamnuucay in xilliyada habeenkii Gudaha Magalada Baydhabo ay galaan Gaadiidka,isla markaana lagu celinayo banaanka Magalada ilaa iyo inta lagu guda jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan. Ammarada ayaa sidoo kale waxa ay farayaan in ...

Read More »

Faah Faahino Kasoo Baxaya Dilal Qorsheysan Oo Ka Dhacay Magalada Muqdisho

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilal qorsheysan oo xalay siyaabo kala duwan uga kala dhacay degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir. Sarkaal ka tirsan ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa geeriyooday kadib markii qaraxa loogu xiray gaarigiisa xilli uu ku sugnaa degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir,sida ay Radio Cadaado u xaqiijieyen dadka ku nool Xaafada Tarabuush uu falkaan ka dhacay. Sarkaalka ...

Read More »

Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland oo lagu dhaawacay Mudug

Mas’uuliyiin ka tirsan ciidamada Booliska Puntland ayaa ku dhaawacmay degaanka Daarusalaam ee gobolka Mudug  kadib markii rasaas ay iswaydaarsadeen dad khamri ka ganacsada. Taliyihii Saldhiga Degaanka Daarusalaam ee degmada Galdogob ee gobolka Mudug ayaa ka mid ahaa dadkii waxyeeladu kasoo gaartay Rasaastaasi ay rideen Kooxaha ay baacsanaayeen ciidamada Booliska. Wafdi uu hogaaminayo Taliye ku xigeenka qaybta Booliska ee gobolka Mudug ...

Read More »

Dowladaha Islaamka oo ku baaqay in la sameeyo Ciidamo ilaaliya dadka Falastiiniyiinta

Hoggaamiyeyaasha dalalka Islaamka oo shir aan caadi aheyn ku yeeshay magaalada Istanbul ee dalka Turkey ayaa ku baaqay in la sameeyo ciidamo difaaca dadka reer Falastiin ee gumaadka iyo tacadiga ay ku hayaan Ciidamada Israel. Shirka Madaxda Ururka Islaashiga Islaamka ayaa waxaa iclaamiyay dowladda Turkiga, kaddib markii Ciidamada Israel ay todobaadkii hore xasuuqeen dad ka badan 60 ruux oo Falastiin ...

Read More »

Ra’iisul Wasaaraha oo daah-furay Imtixaanada Mideysan ee Shahaadiga Dugsiyada sare ee dalka

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta daah furay Imtixaanaadka mideysan ee Shahaadiga ah Dugsiga Sare oo maanta ay u fariisteen 27,600 oo arday. Schoolka 15-ka May oo uu ka dhacayey imtixaanaadkaasi oo si weyn loo adkeeyey amnigiisa ayaa waxaa gaaray Ra’iisul wasaaraha dalka oo ay wehliyaan Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Wasiirka Wxbarashada Soomaaliya. Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ka hadlay ...

Read More »